|

Waa maxay Qorshaha Muuse ka leeyahay iscasilaada Ataash

Hargeisa (SD) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, ayaa iscasilaadiisa sharaaxaado kala duwan laga bixiyay.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu u gogol xaarayo isla markaana dar dar gelinayo damaca Madaxweyne Biixi ee mudo kororsiga iyo furida axsaanta qaranka.

Madaxweyne Biixi oo la sheegay in aanu diyaar u aheyn bixinta kharashaadka ku bixi kara mashruuc nuucan ah ayaa la sheegay in Ataasha oo aan kharash uga baahneyn uu yool baar uga dhigayo arinka.

Ataash oo lagu tiriyo in uu xiriir dhaw la leeyahay Haas Group oo ka ganacsada shidaalka ayaan wax kharash ah uga baahneyn Biixi isla markaana lagu qanciyay in ururkiisa la filayo in lagu daro kuwa gacan ku rimiska ah ee Muuse doonayo in uu aakhirka kabaha la dulmaro.

Dad ku dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in Muuse sidoo kale damacsan yahay in furida ururada axsaabta uga xalaashado mudo kororsi labo sanadood ah.

Mucaaridka ayaanse isku haleyn kareyn qorshahaa iyada oo aan marka hore la krdhin mudada jiritaanka axsaabta mucaaridka.

Geesta kalena Madaxweyne Biixi ayaa la sheegayaa in hadii qorshaha mudo kororsigu hirgeli waayo in uu damacsan yahay in uu muquuniyo mucaaridka, diyaargarowgiina uu durbo bilaabay.

Comments are closed