|

Madaxweyne Biixi oo oo la sheegay in uu dalab mudo kororsi u diray Guurtida iyo Jawaabta Mucaaridka

 

Hargeisa (QJ)- Warar ku dhawdhaw Aqalka Guurtida Somaliland ayaa noo xaqiijiyay dalb dhawaan la sheegay in Madaxweyne Biixi u diray guurtida.

Xogaha ayaa noo sheegaya in Madaxweyne Biixi qoralka uu gaarsiiyay gollaha uu ku sharaxay damaciisa mudo korosiga la xiriira.

Madaxweyne Muuse ayaa la sheegay in uu dalbaday ka talo bixinta iyo meelmarinta mudo kororsi laba sanaadood ah oo uu damacsan yahay.

Halka uu Madaxweyne Biixi sidoo kale la sheegay in uu Guurtida ka dalbaday in ay doorashooyinka Axsaabta la qabto mudadaa gudeheeda.

Xoguhu ma cadeyn in dalabka madaxweynuhu gaaray guud ahaan gollaha iyo in kale.

Geesta kalena, xogo ku dhaw mucaaridka ayaa sheegay in ay dhankooda soo bandhigeen qorshe ay ku dalbadeen in dalka lagaga dhawaaqo dawlad doorsho xalaal ah ka hirgelisa.

Mucaaradka ayaa xoguhu tibaaxayaan in ay haatan quus ka taagan yihiin in madaxweyne Biixi doonayo qabashada dooroshada madaxtooyada ee sharcigu dhigayo in la qabto dhamadka sanadkan.

Damaca madaxweyne Biixi ee mudo kororsiga ayaa dalka u horseedi kara khalkhal siyaasadeed iyo mid amni oo sababi kara burburka Somaliland.

Comments are closed