|

Waan dareemay kalgacal  (2) Idiris Toox yare

Jawiga wakhtigu waa mid qalbigaaga ku abuurraaya farxad, kalgacayl, iyo jaceyl nololeed. Waxa cirka ku shaqllan darruuro, cadceeddu na waxay u sii carraabaysaa godkeedii, waxay soo dirraysaa fallaadhihii macasalaamaynta oo qof walba qalbigiisa ku reebaya xusuus. Qalbigaygu ma kasaayo/garanaynin nimco, iyo badhaadhe ka weyn marka aad isku hesho Maandeeq, iyo Jawigaa aadka u macaan.

Waxa aan ka soo baxay fasalkayga aan jaamacadda wax kaga dhigto, aniga oo u soo holaday dhankaa, iyo dibadda, gaar ahaan maktabadaha ardaydu buugaagta ka iibsadaan, si aan uga soo qaato waraaqaha casharka loogu dhigaayo galabta. Balse nasiib wanaag markii aan ka sii baxaayey, albaabka jaamacadda laga soo galo, waxay dhegahaygu dareemeen dhawaaqa ka baxaaya, kabaha ay Maandeeq gashan tahay, kadib dareenka dhegahayga ayaa amray indhahayga in ay u jeestaan dhanka jabaqaddu ka baxayso. Kadib eegmadii aan eegay, iyo codkeedii macaanaa ee ay igu salaantay ayaa naftaydii dhalan rogey, qorshahaygiina majarihii ka lumiyey,

“weey walaalkay Idiris xageed aadaysaa, maxaa helay galaaskii”,  yaaa!. Tegeysaayaaaa, tallow ma tidhaahdaa maktabadda ayaan tegayaa. May. Haddaa tolow ma tidhaahdaa meheradaas ayaan ka soo shaahaynayaa, Maya. Hee maxaad odhan haddaa, sug sug waxaad tidhaahdaa, “maadaama aad adigu galaaska ka maqnayd, galaaskuba xiiso wuu yeelan waayay, kadib anna waxa aan u soo kicitimay si aan adiga kuu soo doono”.

 

 

 

Intaas in la yidhaahdo waxa soo amartay maskaxdda ku jirta, qofkan wax jecel, iyada oo goorahanba ku mashquulsanayd, jawaabta lagaga jawaabaayo su’aashii Maandeeq, Afkaygunna wuxuu bilaabay odhaanshaha jawaabtii loo soo dhibay, waxa aanuu ugu luuqeeyey sidii m mooge. Maandeeq markay heshay jawaabtii oo buuxda, way dhoolacadaysay anna iska dhoola cadeeyey, waxa aanay iigu hal celisay “ haddii ay sidaa tahay in aad aniga dartay uga soo baxday galaaska, waadigaa i helay ee inna mari”, haye, haye intaan dhahay ayaan hor galay Maandeeq, waan socday socday qalbideeqina idaba socotay oon bidix u laabay, haddana bidix kale u laabay oon sheedaa ka arkay miis, iyo kuraas cidla ah, intaan dhankaa waqooyi kaga yimid ayaan salka la helay kursi ujeeda dhankaas barri, iyaduna soo fadhiisatay ka soo horjeedkayga. Cabbaar kadib markaan si fiican uga bogtay quruxdeedda, heer aan gaadhsiiyey in ay eegmadayda ka qajisho iga na foorarsato, kadib na igu la kaftanto iyada oo dhoola cadaynaysa “dadka quruxda badan ayaa la daawadaaye maxaad aniga iga eegi”.

 

Haa waan ogahay in la daawado qofka quruxda badan, qofka qalbigaagu jecel yahay la joogiisa, qofka ku farxad geliya markaad kulantaan, qofka aanay indhahaagu ka caajisayn daawashadiisa, qofkaasi na Maandeeq waa adiga.   ………….. ………… ……..  …….La soco qaybta 3aad.

Qalinkii: Idiris Muxammad muxammuud ( Idiris Tooxyare)

Comments are closed