|

Mid ka Mid ah Wargaysyada ka soo Baxa Masar oo Aqoonsi Dadban Ku Tilmaamay Cilaaqaadka Somaliland iyo Isu Taga Imaaraadka Carabta

Qaahira 11. August 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska SASA Post oo ka soo baxa dalka Masar, ayaa aqoonsi dahsoon ku tilmaamay heshiisyada ay wadagaleen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu.

Wargeysku wuxuu shalay  shalay daabacay warbixin lagu falanqeeyey danaha saldhigyada dalka Imaaraadka carabtu, ka samaysteen dalalka  Liibiya, Eriteeriya, Yeman iyo Somaliland, wargeyska Dawan ayaa akhristeyaashiisa u soo turjumay intii ka khusaysay Jamhuuriyadda Somaliland.

“Somaliland ayaa juquraafigu siiyey fure ay ku soo jiidato maalgashi. Sannadkii hore, madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed(Siilaanyo), ayaa soo jiitay fursad qiimo leh oo uu  ka helay dalka Imaaraadka. Fursadaa ayaa loo tujumay mid wejiyo badan yeelatay. Shirkada DP World ayaa heshiis maalgashi gaadhaya $442 milyan ku maalgelinaysa ballaadhinta dekedda Berbera, oo ah ta ugu muhiimsan dalka oo uu xilli sii horaysay safiirkii hore Boqortooyada Ingiriisku ku tilmaamay “Furaha laga maamulo Badda Cas.”

 

Bilowgiiba, waddanka Imaaraadku wuxuu si toos ah ugala xaajooday dhammaystirka heshiisyada madaxda jamhuuriyada Somaliland, iyagoo aan werwer ka qabin diidmada Soomaaliya, taasoo, u noqotay fursad ka ballaadhan xidhiidh ganacsi. Somaliland ayaa dhaafsatay maalgelin iyo aqoonsi dahsoon danaha Imaaraadka ee Berbera.

Wakhti ka dib, waxa soo baxay heshiis kaloo baarlamaanka Somaliland ansixiyey in saldhig millatari  Imaaraadku ku yeesho Berbera, una dhow dekedda. Sida lagu sheegay xogo la xidhiidha qodobbada heshiiska ciidammada Imaaraadka carabta ayaa u adeegsan doona saldhiga, danahooda istaraatiijiyadeed si aan caqabad lahayn. “Gebagebadii,  heshiisyadaasi waxay u muuqdaan aqoonsi caalami ah madax-bannaanida  dawladnimada Somaliland.”

Comments are closed