|

“ Waan Taageersanahay Aqoonsiga Somaliland” RW hore ee Kenya ahna Guddoomiyaha Xisbiga CORD Ra’ila Odinga

Nairobi,31.July 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisal  wasaarahii hore dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay madaxbanaanida Somaliland ka hesho beesha caalamka maadaama ay buuxiyeen dhamaan shuruudihii dawladnimo.

 

From left Raila Odinga Dr Omar and President Silanyo at Heathrow airport LondonMr. Odinga oo shalay  jeediyay   khudbad  saabsan muhiimada Nidaamka Dimuqraadiyaddu  u leedahay qaarada Afrika ka jeedinayey xarunta Chatham House.

 

“Annigu shaqsiyan si weyn ayaan u taageeraa aqoonsiga Somaliland, waxaan aaminsanahay inay buuxiyeen shuruudIhii ku xidhnaa aqoonsiga.”ayuu yidhi Raila Odinga oo ka hadlay qadiyada madax banaanida Somaliland.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee CORD  dalka Kenya Raila Odinga  waxaa uu noqonayaa masuulkii labaad ee ka tirsan siyaasiyiinta Kenya ee si rasmiya u taageera madax banaanida Somaliland.

 

Raila Odinga waxaa Guddoomiyaha Xisbiga Ugu mucaaridada Badan dalka Kenya waana madaxwaynihii laga guuleystay doorashadii 2007dii ka dhacday dalkaasi ee dhiiga badani ku daatay.

Comments are closed