|

‘’Waar Shacabka Somaliland Haday Ku Taageeraan Aniga Iyo Siilaanyo Waan Heshiin Karnaa’’ Maxay Ka Wada Hadleen Prof Cali Khaliif & Madaxweyne Siilaanyo DAAWO/DHAGAYSO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Kulan Gaar ah Wuxuu Qasriga Madaxtooyadda ee Hargays kula Qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Prof Galaydh ayaa si af gobaadsi ah u sheegay inuu Hargaysa u Yimid kadib Markii uu ka duuli kari waayay Magaaladda Buuhoodle Isla markaana uu Jeclaystay inuu ka dhoofo Madaarka Hargaysa oo Heer Caalami ah Sida uu Sheegay.

 

Hasa yeeshee Sida ay Qurbejoog u Xaqiijiyeen Ilo Ku dhow dhow Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Sheegaya in Ujeedada Socdaalkiisu uu la Xidhiidhay Sidii uu Madaxweyne Siilaanyo ugala hadli lahaa Odayaal ka soo Jeeda beesha uu ka dhashay ee Baharar-same oo Xukuumadda Somaliland ay u Xidhay Dagaal beeleed u dhexeeya Beeshiisa iyo Beesha Qayaad ee Dhul bahante ee wada dega Koonfurta Gobolka Sool.

Ilaa hada ma Cada in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay Saaxiibo dhow ahaayeen Prof Galaydh inuu ka yeelay Dalabka uu ula tegay iyo inuu ku adkaystay in Odayaashaasi ay Xabsiga ku sii jiraan Maadaama la rabo in nabad waarta laga dhex dhaliyo Labada Beelood oo laga soo wada xidhay tiro odayaal ah.

 

Dhinaca Kale Waxa uu Warku Sheegayaa In Prof Cali Khaliif Galaydh Shalay Galab ka duulay Madaarka Cigaal Isagoo Raacay Diyaarada Itoobiya Isla markaana uu ku sugan Yahay Magaaladda Addis Ababa.

Comments are closed