|

Hal Qof Oo Laascaanood Ku Dhaawacmay Iyo Booliiska Oo Xidh-Xidhay Odayaal Lagu Eedeeyay Inay Ka Soo Horjeedaan Qorshe Xukuumaddu Ku Heshiisiinayso Beelo Walaalo Ah

Laascaanood 23. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliiska ee ka hawl-gala Magaalada Laascaanood oo kaashanaya Kuwa Milletariga ayaa la sheegay inay Xidh-xidheen Odayaal ka soo jeeda laba Beelood oo Dhowr jeer oo hore Dagaalo ku dhex mareen Deegaanka Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool.

Ciidammada Booliiska ayaa la sheegay inay Odayaashan oo tiradoodu badan tahay xidheen, ka dib markii ay ka war-heleen in qaarkood ku hawlan yihiin inay mar kale Colaad ka huriyaan deegaanka ay hore iskugu dirireen Beelaha Walaalaha ah ee Qayaad iyo Bahararsame (Dhulbahante).

Odayaashan oo qaarkood la sheegay in loo dhaadhiciyey Xabsiga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaan illaa hadda waxa aan ka hadal Ciidammada Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Sool, laakiin Dad ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in Dad diiddan Xadhigga Odayaashu ay Ciidammada Booliiska Rasaaseeyeen, laakiin lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Arrintaasi.

Dhanka kale, Rabshado Khamiistii ka dhacay Magaalada Laascaanood, ayaa waxa ku dhaawacmay Hal Qof, ka dib markii Ciidammada Booliisku isku dayeen inay rasaas ku kala dareeriyaan Dad Mudaharaad lid ku ah Xuska 18-ka May ka dhigayey Magaalada Laascaanood.

Ugu dambayn, Odayaasha Laascaanood lagu xidh-xidhay ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan Qorshaha Xukuumadda Somaliland ku doonayso inay Xal kaga gaadho Colaadda Labada Beelood ee Qayaad iyo Bahararsame (Dhulbahante), halka Wararka kalena sheegeen in Odayaasha la xidhay qaarkood looga baqay in Aano ahaan loo dilo.

Comments are closed