|

Wada-hadaladii Xukuumadda Somaliland Iyo Khaatumo Oo Todobaadkan Ka Furmaya Imaaraadka Carabta

Dubai 28 September, 2016 – (SDN/QJ) –Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaanka kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

siilanyo-iyo-galaydhIlo-wareedyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu magaalada Dubai kula kulmi doono ergey metelaya kooxda Khaatumo Dr. Cali Ciise Cabdi oo isna ka kicitimay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale suurtogal ah in Dr. Cali Khaliif Galaydh ku soo biiro wada hadalka.

Wada hadalkan dhex maraya Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda Khaatumo, ayaa gogol xaadh u ah shirka nabadeed ee la qorsheeyay inuu magaalada Burco ka furmo dabayaaqada bisha Oktoobar ee soo socota, waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo hoggaanka Khaatumo ay isla meel dhigaan ajandaha shirkaas iyo weliba waxyaabaha la filayo inay ka soo baxaan iyo ergada ka qayb geli doonta.

Prof: Cali Khaliif Galaydh ayaa hore u sheegay inay wada-hadal la furayaan Xukuumadda Somaliland.

Comments are closed