Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta soo bandhigay sharci ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

Muqdisho (QJ) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhigoodii 14-aad ee aan caadiga ahayn ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kalfadhiga oo ay soo xaadireen 146 xubnood, ayaa ajandihiisa ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Xuquuqaha iyo Daryeelka Carruurta Afrika. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xubnaha Golaha Shacabka u sharraxday Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo qodobbada uu ka kooban yahay.

Maadaama ay tani ahayd akhrintii koowaad oo kaliya oo aan la furin dood, xubnaha Goluhu waxa ay wasiirka su’aalo ka weydiiyeen mabaadi’da guud ee Axdiga iyo saamaynta uu ku yeelan karo miisaaniyadda.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo soo xiray kalfadhiga ayaa faray guddiyada shaqada ee ay khuseyso inay soo diyaariyaan akhrinta koowaad, dibna ugu soo celiyaan golaha si looga doodo.

Axdiga Afrika ee xuquuqda iyo daryeelka carruurta ayaa ka hor imaanaya Shareecada Islaamka, waxaana Xildhibaanada ay dalbadeen in sharcigan lagu soo celiyo.