Muqdisho:May,16,2016(SDN/QJ)-Gaadiidka Bajaajta yaryar ayaa Ciidamada Ammaanku ka Mamnuuceen inay Maraan Waddada Tagta Garoonka Aadan Cadde International Airport.
Sidoo kale mootooyinka Bajaajka ayaa laga mamnuucay inay dhigtaan banaanka hore ee Garoonka Muqdiso oo dadka ay kasoo qaadi jireen, waxaana gabi ahaanba loo diiday inay halkaasi dhigtaan.
Guddoomiyaha Iskaashatada Gaadiidka Bajaajka ee Gobolka Banaadir, Mahdi Faarax, ayaa sheegay in maanta ay ku dhawaaqeen shaqo joojin ay ku muujinayaan sababta loogu diiday wadadaasi.
Wuxuu sheegay in Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ay xaq u leeyihiin inay ka shaqeystaan wado waliba oo ku taallo Magaalada Muqdisho, balse taasi bedelkeeda jidhdil iyo dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada ammaanka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loogu diiday nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho mootooyinka Bajaajka ay tahay in ciidamada qaar ay lacago ka qaateen wadayaasha Gaadiidka Taxi oo suuqii ay ka saartay Bajaajka, kadibna sidaasi Bajaajka looga mamnuucay Garoonka Muqdisho.
Mooto Bajaajka ayaa dadka ku qaada lacag yar oo u dhaxeysa hal doolar ilaa shan doolar, halka Taxi dadka uu ku qaado 10 doolar.
Arintan ayaa ku soo aadeysa, xilli mootooyinka Bajaajka ay dhibaato adag kala kulmaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
SDN/QJ
