|

Xirsi iyo Cirro oo diiday in ay la kulmaan Safiirka EUda Soomaaliya

Hargeysa July 29,2022 (QJ) – Madaxda Xisbiga Mucaaridka Waddani ayaa diiday in ay la kulmaan safiirka EU da u fadhida Muqdisho oo booqasho ku timi magaalada Hargeysa.

Amb. Tiina Intelmann oo kala hadleysay madaxda Somaliland khilaafka doorashooynka madaxtooyada ee uu abuuray madaxweyne Muuse Biixi, ayaan ila ahaatan waxqabadkeeda la arag.

Safiirka EU da oo ugu horeyntii la kulantay madaxweynaha Somaliland, balse aan sheegin wixii ay ka wada hadleen.

Amb. Tiina Intelmann ayaa intaa ka dib dalbatay kulan ay la yeelato musharaxa Waddani c/raxmaan Ciro iyo Guddoomiye Xirsi Xaaji Cali, balse labada masuul aya la sheegay in ay ka cudurdaarteen kulanka.

Xisbiga Waddani ayaase taa badelkeeda u diray siyaasiyiin sare oo safiirka EU da gaarsiiyay mawqifka xisbiga ee dhexdhexaadnimada reer Galbeedka.

Diplomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa mucaaridku dareemeen dhawr jeer oo ay la kulmeen in ay ka cago jiidayaan ka dhab sheegida khilaafka jira.

Madaxda sare ee Waddani ee u tagtay safiirka EU da ayaa u sheegay in madaxda Xisbigu aanay ku qanacsaneyn soo noqnoqashadooda aan miro dhalka aheyn.

Waxaaney Tiina Intelmann ku wargeliyeen in ay axsaabta mucaaridku iskood xal ugu heli doonaan mashaakilka uu abuuray Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa naloo xaqiijiyay in mucaaridku ku wargeliyeen EUda in ay dhawaan dalka ka qabanayaan dibadbaxyo selmi ah oo amaaankooda aaney cidina kafaalo qaadi karin.

Safiirka EU da Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka xumaatay wargelinta xisbiga Waddani iyo halka xaal iminka marayo, mana cada in tilaabada tan xigta ee ay qaadi doonto.

Comments are closed