|

Waddani oo ku qanciyay C/Risaaq Khaliif in uu iscasilo

Laascaanood June 11, 2023 (QJ)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Dad ka agdhow guddoomiyaha iscasilay ayaa sheegay in C/Risaaq oo doonayay kol hore in uu iscasilo in madaxda Waddani oo rafiiq dhaw ay yihiin ay ku qanciyeen in aanu xilka ka degin.

Khaliif ayaase kolkii danbe, ay isla madaxda Waddani ku qanciyeen in uu iscasilo, ka dib kolkii HEEGO ay amarkaa dul dhigtay.

War-saxaafadeed uu ku qabtay Laascaanood ayaa waxa uu taageeray hadalkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaanu cambaareeyay jawaabta Somaliland. Dhinaca kale waxa uu sheegay in madaxda Somaliland lagula xisaabtami doono shaqaaqadii ka dhacday magaalada Laascaanood.

Wuxuu u mahad celiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamulka Puntland, Isimada SSC, saxafiyiin, dadweyne ka kala socday baraha bulshada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay inay taageero u muujiyeen shacabka Laascaanood.

C/Risaaq ayaa sheegay in kiyoo u turaya Baarlamaanka xilka iska casilay.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanaka ayaa Laascaanood gaaray bilowgii dagaalka, kuma uu laaban caasimadda Hargeysa, iyadoo Somaliland ay ka soo horjeesatay soo jeedimihiisii xalinta colaadda.

Dhowaan ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland uu dacwad ka dhan ah Khaliif u gudbiyay maxkamadda sare, waxaana golaha wakiiladu ay u fadhiyeen labadii maalmood ee u dambeeyay sidii ay go’aan uga gaadhi lahaayeen dacwada iyo masiirka guddoomiyaha.

 

Comments are closed