|

Waddani oo Muuse Biixi ku eedeeyay dagaalada Ceelafweyn iyo Cali Sahid

Hargeysa Sepember 24, 2023 (QJ) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada Ceelafwayn iyo Cali Saahid, waxaanu xukuumadda Muuse Biixi uu ku eedeeyay inay  hay’adaha amnigu fashilmeen.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaasi Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” ayaa sheegay in loo baahan yahay in Xukuumaddu si deg deg ah u geyso Goboladaas Ciidamo hubaysan oo isugu jira kuwa Qaranka, Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo qaado talaabooyin amni oo dhameystiran si nabad loogu soo dabaalo deegaanadaasi.

Xoghayaha oo goor dhoweyd warbaahinta la hadlay ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha Jamhuuriyadda waqtigeedu sii dhamaanayo iyo Hay’adaha ammaanka ay ku fashilmeen howlihii loo igmaday, isla markaana aan la aamini karin.

Ka dib dhacdadii August 25, 2023 ka dhacday Gobolka Sool, taasoo keentay in Ciidamada Somaliland laga saaro Laascaanood, ma cadda in Madaxweynahu uu shaqeynayo ayuu yiri xoghayuhu.

Hay’adaha amnigu waxay muujinayaan astaamo muujinaya waxqabad la’aan iyo xil-gudasho la’aan. Haddii 24-saac gudahood xukuumadu wax kaga qaban waydo colaadaha iyo dhibaatooyinka ka taagan goboladan, waa in golaha wakiilada Somaliland u yeedhaa masuuliyiinta ugu saraysa hay’adaha amniga si loola xisaabtamo.” – ayuu yiri Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI.

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladan daba dheeraaday ay ku lug leeyihiin beelo walaalo ah oo wada dega deegaanada Ceelafwayn iyo Cali Saahid, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Comments are closed