Uncategorized

WADDANI TORONTO : ISNIIN MADOW “BLACK MONDAY” 11TH MAY,2015

Maanta oo taariikhdu tahay 11th May,2015, waxay ku astaysantahay  ISNIIN  MADOW “BLACK MONAY “ .Waa maalin loogu tallo galay in god madow lagu rido nidaamkii dimuqraadiga ahaa  , laguna bedello hab beeleed.  Waa maalin loogu tallo galay in Somaliland  la geliyo khal-khal siyaasadeed , burbur dhaqaale iyo xasilooni daro.

  1.  Maanta waxa la laalay go’aanki  Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxa lagu beddelay  muddo kordhin xaaraan ah oo baalmarsan shuruucda iyo distoorka dalka , waxaana  loo adeegsaday  awood ciidan   iyo hanti qaran.
  2.  Maanta waxa  albaabada loo xidhay dhamaan xafiisyadda Xisbigga WADDANI   min  heer degmo ilaa heer gobol. Waxa  xabsiga loo taxaabay in ka badan  lixdan  mas’ool oo  oo ay ku jiraan   lamanayaal isqabaa “ spouses “.  Awood ciidan iyo xukun qarqoosh la adeegsada   waxay astaan u yaheen  talis ciirciirayaa oo cimrigeesi dhamaaday.
  3. Hadaba waxaanu bulshada   Somaliland ugu bushaaraynaa inaanay talaabooyinkaasi  waxba u dhimaynin nidaamka dimuqraadiga aha ee Somaliland ku caano maashay   ,rabitaanka shacbiguna oo ka awood  badan yahay  cabudhin, cago-juglayn iyo ciidan la adeegsado.
 WA BILAAHI TOWFIIQ.
PROF. ALI SUGAAL, AFHAYEENKA WADDANI ,TORONTO