|

Xildhibaan Dhalasho ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland oo Loo Doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia SAWIRO

Muqdisho 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw xarunta Aqalka sare lagu soo gabo gabeeyay Doorashada Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka Soomaaliya, waxaana doorashadan ku tartamayay labo Xildhibaan oo katirsan Aqalka sare.

Xildhibaanada maanta wax dooranayay ayaa gaarayay 52- Xildhibaan , waxaana doorashadan ay aheed hal wareeg kaliya, waxaana kusoo baxay Xildhibaanka helayay coddakii ugu badnaa.

Waxaa Doorashada Gudoomiyaha Aqalkla sare ku guuleestay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulahi oo helay codad gaaraya 43-Cod halka Xildhibaan Mustafa Maxamamud Qodax uu isna helay 9-cod

Gudoomiyaha Aqalka sare waxaa maanta si rasmi ah u noqday kuna guuleestay Doorashada Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulahi oo ah Siyaasi rug cadaa ah oo horey uga soo tirsanaa Baarlamaankii Federaalka Soomaaliya.

Waxaa goordhaw sidoo kale la filayaa in ay bilaabato Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad iyo kna labada ee Aqalka sare, waxaana labadan kursi ku tartami doona musharaxiin gaaraya 14- Xildhibaan.

Comments are closed