|

War Deg Dega:— Koox Rabtay inay Gudaha Somaliland Mas’uuliyiin ka Afduubaan oo Xukun Maxkamadeed Maanta lagu Riday,Halka ay Ka Soo Jeedaan & Tiradooda!!!!

Baligubadle 19. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee gobolka Hawd Seekh Cabdillaahi Maxamuud Aw Cabdi ayaa Xukuno iskugu jira Xadhig iyo Ganaax lacageed ku Riday 24 Eedaysane.

24 Qof ee maanta la Xukumay ayaa lagu soo eedeeyey dambiyo kala duwan,halka 4 ka mid ahi yihiin Itoobiyaan isku dayey inay gudaha Somaliland masuuliyiin ka af-duubaan.

Nimankan oo ka yimid dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo tallaabay kadibna kaxaystay guddoomiyaha iyo kuxgeenka degmada Kaabadda Qolqol waxaanu dagaal dhex maray iyaga iyo dad difaacayay masuuliyiinta, iyada oo dad ku dhaawacmeen kadibna lagu guulaystay in dhammaantood la xidho.

 

Kiiska eedaysanayaashan ayaa xukun kooda loo cuskaday qiraal iyo markhaati

Xigasho: Wariyaha Warbaahinta dawladda ee Balligubadle Maxamed Jiciir Aw Axmed

Comments are closed