|

Warbixin Kooban: Taariikh Nololeedka Madaxwaynihii hore ee Cuba Fidel Castro

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Fidel Castro iyo dalkiisu wuxuu go’doon caalamka ka ahaa dhowr iyo Afartan sano. Wuxuu ka mid ahaa odoyaashii hor boodi jiray mabda’ii Shuuciyadda ee (Howl iyo Hanti-wadaaga) wuxuuna cadaw la ahaa dal waynaha Maraykanka oo isna hogaaminayay mabda’ii Hantigoosadka.

 

fc_6Wuxuu aad u soo caan baxay markii uu ka adkaaday jabhad uu Maraykanku soo hubeeyay oo u badnaa qaxootigii ka cararay Cuba ee galay dalkaas (The Bay of Bigs Invasion) April 17 keedii 1961kii iyo markii uu dalkiisa si qarsoodi ah ugu casumay dalkii Midowga Suufiyeed inay gantaalladooda soo dhigtaan (Cuban Missle Crises) October 14, 1962.

 

Buug laga qoray taariikhdiisa oo aan akhriyay waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiyaha ugu badan ee ka badbaaday shirqool dib, waxaa aad u weerari jiray niman la odhan jiray Economic Hitman oo ahaa koox khaarajinta aad ugu dheeraysay si aad ahna u howl gali jiray wakhtigi dagaalkii qaboobaa.

 

Hadda waxaa dalkaas hogaamiya Raul Castro oo ay walaalo yihiin Fidel Castro waxayna labadoodu ahaayeen markasta laba isbarbar taagan oo xittaa markii ay jabhaddii Maraykanku soo hubeeyay dalkaas soo weeraraysay waxaa ciidamada dagaalka kala hortagay hogaaminayay Raul-ka hadda madaxwaynaha ah.

 

Soomaali badan Cuba waxay ku xasuusataa garabkii uu 1977 kii soo siiyay dawladda Ethiopia ka dib markii ay ciidamadii Soomaalidu jabiyeen kuwii Ethiopian ka.

Mahad Jaamac Koronto

Comments are closed