|

Warbixin ku Saabsan Wariyayaasha Lagu Dilay Soomaaliya Tan iyo Sanadkii 2012-kii !!

Muqdisho 13. December 2017 (SDN/QJ):-Soomaaliya waxa ay kamid tahay wadamada inta badan lagu dhibaateeyo Saxaafadda islmarkaana aaan kajirin wax xuriyatul qowl ah .wax ayna mar kaalinta koowaad ee dunida aan ku noolnahay ka gashay in ay noqotay wadanka ugu tirade badan ee lagu dilo wariyaasha islmarkaana lagu caburiyo shaqadiisa.

Wadankan dhaca geeska Africa ee Soomaaliya waxaa lagu dilay wariyaal farabadan oo ay ku jiraan kuwa ajaanib ah kuwaas oo dalka u yimid in ay baahiyaan xaalladaha halist ahayd oo uu dalka kujiray ,dagaalada sokeeye,abaarihii dalka dhuftay iyo dagaal diimeedyadii ka qarxay gudaha dalka Soomaaliya kaas oo ay ku nafwaayeen Soomaali farabadan halka Maliiyiin kalana ay ka barakeceen dalka.

Inta badan Wariyaashii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada caasimadda ee Muqdishu iyo guud ahaanba goballada dalka waxa ay ahaayeen dhalin yaro isugu jiray rag iyo dumar kuwaas oo Hami weyn ka lahaa mihnadda Saxaafadda ,balse hamigoodii iyo riyadoodii waxaa soo afjray dad aan diir naxa lahayn.

Dalka Soomaaliya waa dal lagu wax yeeleeyo Wariyaasha islmarkaaana lagu ugaarsado saxafiyiinta gudanaya howl maalmeedkooda una shaqeenaya shacabka Soomaaliyeed.

In Saxafi ama wariye laga noqdaa Soomaliya waa mid aan sahalnayn islamarkaana ay tahay Qatar aad u jeeddo in aad xirfaddaada kadhigato.Wariye walba oo kusugan Muqdishu iyo goballada dalka Soomaaliya Idaacad iyo Tv walba ha u shaqeeyee waa uu aaminsanyhay in la ugaarsanayo, balse maahan mid og shaqsiyaadka ugaarsanayo iyo Sababta laa ugaarsanayo.

Dalku waa dal hadda kasoo kabanaya nabaradii gaaray iyo daqaradii ku dhacay ,kadib burburkii dowladdi kacaanka ahayd oo uu horkacayay Allah unaxariistee , Maxamed Siad Barre.

Malahan dalka wax nidaam iyo kaladambeyn ah, Sharci iyo Garsoor shaqeenaya ,waana dal uu wariyuhu dhibane ka yahay , halka dilaaguna uu yahay mid aan sharciga la horkeen.

Dunida hormartay waa mid saxafiyiinta laga tixgiliyo,islmarkaana uu wariyuhu xaq kuleeyahay dowladda dalkiisa kajirto halka kuwa Soomaalliyeed ay yihiin dhibanayaal walawal iyo walbahaar laderis ah har iyo Habenba , waana kuwa aan cidna u maqnayn ceelna u qodnayn.

Qiyaas ahaan tan iyo 1993 waxaa lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya 74 Wariye oo ay 12 kamid ay ahaayeen wariyaal ajaanib ah kuwaas oo kasocday warbaahinada iyo Wakaalladaha ugu afka dheer caalamka oo ay ku jiraan wakaaladaha Wararka Ap iyo Rowtoris iyo Idaacadda BBC-da.

Sanadkii 2012 ayay Soomaaliya noqotay dalka ugu badan ee lagu dilo Wariyaasha iyadoonna sanadkaas uu noqday kii ugu badnaa ee dalka Soomaaliya lagu diloWariyaal aad u tirabadan oo lashaqeenayay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Islasanadkii 2012 ayay dunidu usoo jaleecday Soomaaliya iyadoonna Shaashadaha warbaahinada dunidoo idil ay tabinayeen falalka iyo xadgudubka kadhanka xuquuqul Aadanaha ee lagula koco Wariyaha Soomaaliyeed.

Kaliya sanadkaas ayaa Soomaliya Wariyaasha lagu dilay waxa ay tiradoodu ahayd ilaa iyo 16 wariye kuwaas oo tirada ugubadan lugu dilay caasimadda dalka ee Muqdishu.

Warbaahinada caalamka ayaa qoraal, maqal iyo muuqaalba bulshada aduunka kunool u gudbinayay dhibaatooyinka iyo Tacdiyadaha ay had iyo jeer ay Saxfiintu la kulmayeen.

Dhammaan dilalkii loogeystay Allah unaxariistee 16-kii ee Waryaasha Soomaaliyeed sanadkii 2012 ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan aan heebtooda lagaran loona soo qaban wali falal dambiyeedyada ay galeen.

Hay’adaha Qaramidoobay iyo kuwa u lolleeya arrimaha Saxaafadda ayay layaab iyo amakag ,dilalka loogeysnaya saxafiyiinta Soomaalioyeed iyagoonna iyagoonna cambaareynayay dilalka loogeysta Wariyaasha .

Hadaba gudaha dalka Soomaliya ilaa meeqa wariye ayaa lagu dilay Sanadkii 2012-ka kaas oo ahaa kii uugu badnaa oo la dilay tirada ugu badnayd ee Wariyaasha Soomaaliyeed.

— Jan. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Hassan Osman Abdi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Shabelle xaafada Nasteera ee degmada Wadajir.

— Feb. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Abukar Hassan Mohamoud oo ahaa Agaasimihii Idaacadii Soomaaliweyn Magaalada Muqdisho.

— March 4: Ali Ahmed Abdi oo ahaa wariye ka shaqeynayay Radio Galkacyo, ayaa lagu dilay magaaladaas ee bartamaha Soomaaliya.

— April 5: Mahad Salaad Aden, oo ahaa wariye u soo waramayay Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay magaalada Beledweyn ee Bartamaha Soomaaliya.

— May 2: Farhan Jeemis Abdulle, oo u shaqeynayay Idaacada Radio Daljir ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo.

— May 23: Ahmed Addow Anshur oo ahaa Barnaamij soo saare Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

— July 31: Abdi Jeylani Malaq, oo ahaa majaajiliiste iyo hal abuure ka soo shaqeeyay Idaacado kala duwan iyo Telefishin ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

— Aug. 12: Yusuf Ali Osman, oo ahaa wariye rug cadaa ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta ayaa la dilay sidoo kale wariye Mohamud Ali Yare ayaa ku geeriyooday rasaas ay is weydaarsanayeen Ciidamada dowladda Magaalada Muqdisho.

— Sept. 20: Liban Ali Nur, oo ahaa madaxa wararka Telefishinka Qaranka, iyo Abdisatar Daher Sabriye oo ahaa wariye ka tirsan Radio Muqdisho iyo Abdirahman Yasin Ali oo ahaa agaasimaha Radio Xamar ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah oo ka dhacday goob caan ah oo lagu qaxweeyo magaalada Muqdisho.

— Sept. 21: Hassan Yusuf Absuge, oo u shaqeynayay Idaacada Maanta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

— Sept. 27: waxaa la helay Meydka Wariye Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa ka go’an oo ahaa wariye qora Ciyaaraha ama Sportiga ayaa laga helay Waqooyiga Muqdisho.

— Sept. 28: Ahmed Abdullahi Fanah, oo ahaa Wariye u shaqeynayay Wakaalada Wararka ee Yemen SABA ayaa lagu dilay Muqdisho.

— Oct. 23: Ahmed Saakin Farah ayaa rag hubeysan ay ku dileen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaasoo uu ka arimiyo Maamulka Somaliland.

— Jan. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Hassan Osman Abdi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Shabelle xaafada Nasteera ee degmada Wadajir.

— Feb. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Abukar Hassan Mohamoud oo ahaa Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn magaalada Muqdisho.

— March 4: Ali Ahmed Abdi oo ahaa wariye ka shaqeynayay Radio Galkacyo, ayaa lagu dilay magaaladaas ee bartamaha Soomaaliya.

— April 5: Mahad Salaad Aden, oo ahaa wariye u soo waramayay Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay magaalada Beledweyn ee Bartamaha Soomaaliya.

— May 2: Farhan Jeemis Abdulle, oo u shaqeynayay Idaacada Radio Daljir ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo.

— May 23: Ahmed Addow Anshur oo ahaa Barnaamij soo saare Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

— July 31: Abdi Jeylani Malaq, oo ahaa majaajiliiste iyo hal abuure ka soo shaqeeyay Idaacado kala duwan iyo Telefishin ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho

Sanadii 2013 ayaa sidoo kale waxaa Soomaaliya lagu dilay tiro Waraiyaal ah .

-26 October 2013.wax ay kooxu habaysan ay magaalada Muqdishu ay Waiye Maxamed Maxamud Timacadda oo katirsanaa Tvga Universal ee xaruntiisa magaallada Muqdishu.

-7 July 2013. Waxaa magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay Allah unxariistee Wariye Liibaan Cabdullahi Faarax oo katirsanaa Wariyaashii katirsanaa gobalkaasi.

21 April 2013. Ayaa magaallada Muqdishu lagu dilay Maxamed Ibrahim Raage oo katirsan warbahinta dowladda

14 April 2013. Waxa maallada Muqdishu lagu dilay Maxmed Xasan Xabeeb oo ahaa qabiir iyo lataliye warbaahineed.

24 March 2013.ayaa magaallada Muqdishu lagu dilay Raxma Cabdukqaadir oo ahayd Wariye katirsaneyd Radio Cabudwaaqa ee ku yaalla gablka Galgaduud.

18 March 2013.Maxmed Cali Nuxurkayoo kamid ahaa Warbaahinta Mustaqbal ayaa lagu dilay magaallada Muqdishu.

18 January 2013. Abdihared Osman Aden oo katirsanaa Warbaahinta Shabelle lagu dialay magaallada Muqdishu.

Tira kale oo Wariyal ah ayaa sidoo kale la dilay guadaha dalka Soomaaliya Sanadkii 2014.

5 December 2014.Allah unaxariistee Maxamed Barre Isaaq oo katirsanaa TVGA Kalsan ayaa lagu dilay magaallada Baydhabo ee gobalka Baay.

5 December 2014. Cabdulqaadir Axmed Mayow oo katirsanaa Somali Chenal iyo Star Fm ayaa lagu dilay isla magaallada Baydhabo ee gobalka Baay.

16 November 2014. Abdirizak Ali Abdi oo ahaa Wariye madaxbanan ayaa lagu dilay magaallada Galkacyo ee xraunta gobalka Mudug.

21 June 2014. Yusuf Ahmed Abukar oo katirsanaa Radio Ergo iyo Warbaahinta Mustaqbal ayaa lagu dilay magaallada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Sanadkii 2015 ayaa sidoo kale dalka lagu dilay tiro kale oo Wariyaal ah.

3 December 2015. Hindiyo Xaaji Mxamed oo kamid ahayd Warbaahinta Qaranka ayaa lagu dilay magaallada Muqdisho kadib markii loogu xaray gaariga aysaarnayd wax yaabaha qarax.

1 November 2015. Mustaf Abdi Noor oo kamid ahaa saxafiyiintta Muqdishu ayaa ku geeriyooday werarkii hotel Saxafi ee magaallada Muqdishu.

29 April 2015.Daa;uud Cali Nuur oo katirsanaa Radio Baydhabo ayaa lagu dilay isla magaallada Baydhoba ee gobalka Baay.

Sandii 2016 ayaa sidoo kale lagu dialay magaallada Muqdishu Wariyaal kale oo katirsan Wrabaahinada ku yaalla Muqdishu.

27 September 2016. Cabdi caziiz Ali Xaaji oo kamid ahaa saxfiyyinta Radio Shabelle ayaa lagu dilay magaallada Muqdsiho.

5 June 2016.Sgal Salaad Osmaan oo kamid ahayd saxafiyiinta warbaahinta Qaranka ayaa kooxo hubaysan wax ay ku dileen meel aan kafogayn Jaamcvadda ay dhiganaysay eek u taalla Muqdishu.

Wixii intaa xigay waxan guda galnay sanadii 2017 oo aan haatan dab yaaqadiisii ku jirno isagoona kamid noqday sanad loo diiwaan gilin doono Sxafiyiinta soomaaliyeed.

14 Octoobar 2017 ayaa muqdishu waxaa ku geeriyooday Wariye C/laahi cismaan Faarax kas oo kamid noqday boqolal daweynaha oo ku nafwaayay Qaraxi iska 14ka Octoober ee magaallada Muqdisho.

Wixii intaa xigay shalay oo ay taariikhda ku begnayd 11 bisha December ee sanadan 2017 ayaa maagaallada Muqdishu ku geeriyooday Allah unaxariistee Wariye Maxamed Ibrahim Gaabow oo kamid ahaa Wariyasha kashaqeenayay TV-ga Kalsan ee xaruntiisa Magaallada Muqdishu kadib markii gaariga uu saarnaa kula qaraxay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Majirto cid sheegatay Masuuliyadda dalka Wariyaha iyo shaqsiyaad loo soo qabqabtay.

Wariyasahan Soomaaliyeed ee la dilay ayaan jirin cid si toos ah u sheegatay Dikooda hasa ahaatee waxaa intooda badan loo beegsaday maxada bulshadiina ugu shaqeysaan taa oo lagu doonayay in lagu aamusiyo Warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxaa Warbixinta Diyaariyay Mohamed Ibraahim BulBul,waxaana la soo jeedinaya Maxamed Axmed Mursal

Radio Danan.

Comments are closed