|

”Waxaan Madaxweynaha La Doortay Ku Wareejinayaa, Dal Leh Calan Keliya, Cumlad Keliya, Cudud Keliya, Iyo Caqiido Keliya” Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Siilaanyo

Hargaysa 13. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo khudbadiisi u danbaysay ka jeediyey maanta Xafladii Xil-wareejinta Madaxweynaha la dhaariyey ee talada dalka la wareegay maanta waxaanu yidhi Mudane Axmed Silaanyo “Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Ugu horreyn, dhammaan Mudanka iyo Marti-sharafta kala duwan ee fadhida madashan qiimaha badan, iyo qaybaha kala duwan ee Shacbi-weynaha Somaliland, ee warbaahinta iyo muuqaal tabiyaasha tooska nagala socda, waxaan idinku salaamayaa duco xambaarsan nabadgelyo iyo naxariis EEBE “Asalaamu Calaykum, Wa Raxmatullaahi, Wa Barakaatuhu”

Mar labaad, waxa milgo iyo maamuus weyn ii ah, in aan idinku soo dhaweeyo Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, iyo xafladdan ka kooban xil-wareejinta iyo caleemo saarka Madaxweynaha cusub.

Waxaan gaar u xusayaa, oo mudan maamuus iyo soo dhaweyn weyn, Martida Culus ee inoo soo martay masaafada dheer, ee metelaysa dalalka aynu saaxiibka dhaw nahay.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta waxaynu joognaa munaasibad taariikhi ah iyo dharaar ku weyn dareenka Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo dhan. Si gaar ah, waxay aniga dhacdadani, igu leedahay xusuus ma guuraan ah, oo saamayn togan ku leh, nafteyda iyo sooyaalkayga nololeed. Farxad iyo rayn-rayn aan la soo koobi karin ayey ii tahay, in aan fagaarahan il-yartu is-qabatay ku wareejiyo, xilkii iyo mas’uuliyaddii qaranka, ee dummadayda saarnayd, isla markaana aynu halkan ku caleemo saarno Madaxweynaha cusub, ee i beddeli doona, daqiiqado yar ka dib.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Tan iyo intii aan hano-qaaday, waxaan hareerta hayey hawl qarankani leeyahay, Kontonkii Sannadood ee u dambeeyey cimrigayga, waxaan u adeegayey ummaddayda. Dedaal iyo daacadnimo, ayaan dadkayga iyo dalkayga ugu shaqeeyey, muddadaa nus qarniga ah. Ma jiro, waxaan kala hadhay, af iyo adin, orod iyo ayaan, arrin iyo aduun, aqoon iyo itaal, wixii aan lahaa, haba yaraatee, abidkay.

 

Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama wey kala cawo iyo ayaan roon yihiin. Sidaa darteed, ALLAHAYGA WEYN, waxaan ugu mahad-naqayaa, in aanu igu xilin, xilkii ummadda, oo uu igu asturay, isla markaana aan ka tagayo Bulsho nabad ah, oo aan baas iyo belo colaadeed dhexdooda oolin.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaynu ummad ahaan ku guulaysannay, in aynu qabsanno 13-kii, Bishii November, 2017-ka, Doorashadii Madaxtooyada, taasoo taariikhda markii ugu horreysay si haboon, uga wada hirgashay, dhammaan dhulka Somaliland. Doorashadaasi, waxay ahayd mid xor iyo xalaal ah, oo aduun-weynuhu inagu majeertay, isla markaana aynu ku helnay, magac weyn iyo maamuus aan la soo koobi karin.

 

Waxaynu muujinnay, in aynu nahay qaran qaan-gaadhay, oo dedaal, dareen isku mid ah, iyo isku-duubni ku meel-mariyey hamigooda iyo himillooyinkooda siyaasadeed. Waxaynu muujinnay, in aynu nahay bulsho leh bisayl ballaadhan, oo gaadhsiisan, in iyada oo la loolamayo, haddana la isku ixtiraamo kala duwanaanshaha aragtida siyaasadda.

 

Dhinaca kale, waxaynu xaqiijinnay, in aynu isu-haniyeyno, isla markaana u hoggaansanno, natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka, marka aynu tartanka siyaasadda ku kala badinno, ama ku kala calaf qaadno. Waxaynu dunida tusnay, in aynu nahay dal iyo dad leh il-baxnimo guun ah, oo maareyn kara murankooda iyo mashaakilkooda gaarka ah, isla markaana, Eebe hibo u siiyey, in ay xalay-dhalay ka noqdaan, xanaftii iyo xafiiltankii ay beertay xamaasadda siyaasaddu.

 

Waxaynu ku guulaysannay, in aynu is ku jilno dhaqankeenii soo jireenka ahaa, iyo geedi-socodkii dimuqraadiyadda, oo ahaa jid iyo jawi inagu cusub.

 

Waxaynu nahay maanta, qaran gaamuray oo waaya-aragnimo badan u leh nidaamka doorashooyinka, kaasoo qabsaday illaa sannadkii 2002-dii, lix doorasho oo kala duwan. Waxaan leeyahay, qaran ahaan, maanta guul weyn ayeynu gaadhnay. Ma jirto cid gaar u guulaysatay, balse, waxa hubaal ah, in aynu dhammaanteen wada guulaysannay.

 

Ummadaha gobta ah, mansab iyo manfac ma wada deeqo, ee waxa wada deeqa milgaha iyo magaca guud, ee ay wada leeyihiin.

 

Sidaa darteed, duco-qabayaal,

Waxa inala gudboon, in aynu adkayno midnimadeena iyo wada-jirkeena, isla markaana aynu meel uga soo wada-jeesanno, kuwa fara ku tiriska ah, ee ku foogan fad-qalalada iyo furfurka qarankeena.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin, Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan halkan uga mahad-celiyo Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Hawl-wadeenadooda, sidii gobonimada lahayd, ee ay u guteen xilkii iyo waajibaadkii saarnaa.

Waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ku bogaadinayaa, deganaanshihii, dul-qaadkii iyo bisaylkii ay muujiyeen, muddadii lagu jiray ololaha doorashada, iyo dhawaaqii natiijada, ka dib.

Dhinaca kale, waxaan bogaadinayaa Ciidammada kala duwan ee qaranka, oo ah geesiyaasha suurtagaliyey, in dalkan iyo dadkiisu, ay dugsadaan deganaansho iyo xasillooni buuxda. Waxaan amaanaya, Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah, oo dantooda gaarka ah, ka hor-mariyey danta guud ee Qaranka, si gaar ah, waxaan ku bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, go’aankii caddaa ee uu ku garab istaagay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiye Faysal, waa hoggaamiye ruug cadaa ah, oo caan ku ah, lexo-jeclada dalkiisa iyo dadkiisa.

 

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), tanaasulkii uu la yimi iyo taageeradii natiijada doorashada. Guddoomiye, Cabdiraxmaan, waa Oday qaran, oo aan marna looga baqayn, inuu hor-seedo belo iyo inuu bulshada kala qaybiyo.

 

Waxaan uga mahad-celinayaa, Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, sunihii wanaagsanaa ee uu Siyaasiyiinta Somaliland u sameeyey, kaasoo xeerkiisu yahay in hadba ciddii loo doorto hoggaanka dalka, si nabadgelyo ah loogu wareejiyo talada, isla markaana aan la turun-turayn, ee taageero lala hareero taagnaado.  Nidaamka qori isu-dhiibka iyo is-beddelka hoggaanka dalka, waxa tusaale inoogu filan, in ay maanta madashan fadhiyaan Saddex Madaxweyne iyo Afar Madaxweyne Ku-xigeen, oo u kala dambeeyey mas’uuliyadda iyo madaxnimada qarankan.

Dariiqaasi, waa tubta keliya, ee aynu ku horumarnay, isla markaana ku dhaafnay aduunka in badan oo asaageen ah. Waxaan u ducaynayaa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo geeriyooday, Eebe Naxariistii jano ha siiyo. Labada Madaxweyne, waxay ahaayeen hoggaamiyeyaal ku suntan, yag-leelidda iyo dhismaha hay-kalka dawladnimo ee qarankan.

 

Waxaan u mahad-naqayaa, Madaxdii iyo Mas’uuliyiintii kala duwanayd, ee ila soo shaqaysay muddadii 7-sanno ahayd, ee aan qarankan Odayga u ahaa.  Waxaan leeyahay, hawl-wadeenadaa aan cugtay, kuma khasaarin, ee waa kuwa iga kaal-meeyey horumarka iyo hal abuurka, ay xaqiijisay Xukuumaddii Xisbiga KULMIYE, ee aan gadh-wadeenka ka ahaa.

 

Waxaan ku bogaadinayaa, war-baahinta madaxa-bannaan iyo kuwa dawliga ah, intaba, doorkii lama-illaabaanka ahaa ee ay kaga soo qayb-qaateen, horumarka dalka, gurmadkii abaaraha, iyo guud ahaan nidaamka geedi-socodka doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaan u mahad-naqayaa, taageerayaashii muddada dheer hiilka iyo hooda ila hareera taagnaa, gaar ahaan xilliyadii doorashooyinka iyo ganacsatadii, culimadii, ururadii bulshada, Haweenkii, Madax-dhaqameedkii iyo Dhallinyaradii iga kaalmaysay hamigii iyo himilooyinkii aan lahaa hoggaamiye ahaan. Waxaan u mahad-naqayaa, mudankii iyo mujaahidiintii, ka qayb-qaatay halgankii qadhaadhaa, ee dalka lagu xoreeyey. Waxaan u ducaynayaa, intii ku shahiiday, waxaan Eebe uga baryayaa, inuu u dambi dhaafo, jannadii fardawsana geeyo, Aamiin.

Waxaan uga mahad-naqayaa, Shacbiga iyo Dawladda Fadaraalka Itoobiya, ee aynu deriska nahay, oo uu hormoodka ka yahay Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn, sidii wanaag-sanayd ee saaxiibtinimada lahayd, ee aannu u wada-shaqaynay, isla markaana aannu iskaga kaashannay danaha iyo arrimaha labada dal, muddadii aan xilka hayey. Sidoo kale, waxaan uga mahad-naqayaa, Shacbiga iyo Dawladda Dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidii wanaag-sanayd ee saaxiibtinimada lahayd, ee aannu u wada-shaqaynay, isla markaana aannu iskaga kaashannay arrimaha labada dal, muddadii aan xilka hayey.

Waxa kale oo aan si weyn ugu mahad-celinayaa, deeq-bixiyaasha iyo dalalka aanu saaxiibka nahay, ee Somaliland ka taageera horumarka iyo maalgelinta mashaariicda kala duwan. Si gaar ah, waxaan u xusayaa, Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN Agencies) dalalka Midowga Yurub iyo UK, oo kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Ugu dambayn, waxaan u mahad-naqayaa Guddidii Qaban-qaabada Xafladda Xil-wareejinta iyo Hawl-wadeenada fir-fircoon ee Shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada, oo si fiican u diyaariyey hawlihii kala duwanaa, ee loo xil-saaray.

Dhinaca kale, waxaan Bulshada Caalamka ugu baaqayaa, in ay gacan weyn siiyaan Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa. Mar labaad, waxaan ugu baaqayaa, in ay abaal-gud uga dhigaan, ummaddan isku-tashatay , ee wax taransatay, in ay tix-geliyaan qadiyaddooda iyo xaqa aaya-ka-tashigooda.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta xilkii aan idiin hayey, waxaan si rasmiya ugu wareejinayaa Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi, oo ah hoggaamiye aan ku kal-soonahay in uu si wacan idiin hagi doono. Mudane, Muuse Biixi, wuxuu noqonaya goor-dhow, marka la dhaariyo, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuu Madaxweyne u noqonayaa, taageerayaasha Saddexda Xisbi Qaran, iyo dhammaan Bulshada Somaliland, mid u codeeyey, iyo mid ka codeeyey.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland, in ay adeecaan Madaxweynaha cusub, waxaana waajib ah, in aad ula shaqaysaan, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad iila shaqayseen. Madaxweyne Muuse, waxa la gudboon dulqaad, dad isku wad, sinnaan iyo cadaalad, inuu qarankan ku hoggaamiyo. Waxa kale, oo la gudboon in uu dhayo dhaawacyadii iyo boogihii ka dhashay doorashada.  Eebe Mahaddii, maanta waxaan wareejinayaa, Dawladnimo hano-qaaday, iyo dal horumar gaadhay, oo dadkiisu wada-heshiiyey.

Waxaan Madaxweynaha la doortay ku wareejinayaa, dal leh calan keliya, cumlad keliya, cudud keliya, iyo caqiido keliya. Mudane Madaxweyne, waxaad madax u noqon doontaa, dal aan lahayn, caqli keliya, cudur keliya, cadaw keliya, caado iyo curfi keliya.  Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aad daymo iyo dareen culus u yeelato.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Muddadii aan talada dalka iyo dadka, midida daabkeeda hayey, ma ogi, si badheedh ama ula-kac ah, cid aan aniga iyo maamulkaygu toona, aannu xad gudub ama tacadi ku samaynay. Hase yeeshee, waxaanu nahay bashar gefi kara, sida annagaba naloogu gefo. Sidaa darteed, waxaan shacbi-gayga qiimaha badan leeyahay, aan isa-saamaxno, isla markaana isu soo ducayno, (Saamax naakum, if iyo aakhiroba).

Gun iyo Gebo-gebadii, waxaan ALLE ka baryayaa, inuu xilka u fududeeyo Madaxweynaha cusub iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa.

Waxaan ALLE ka baryayaa, inuu Bulshada Somaliland bash-bash iyo barwaaqo gaadhsiiyo.

Comments are closed