Muqdisho 27.October 2013 (SDN)- Wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in xarumaha gaar ka ah ee warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa internetka ee aan diiwaan gashaneyn ay iska soo diiwaan-geliyaan wasaaradda ka hor 10-ka bisha soo socota ee November.
Dikreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa lagu sheegay in xarumaha warbaahinta, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa internetka ay isdiiwaan-geliyaan, islamarkaana ay qaataan ruqsad shaqo, kuwa ay ka dhaceenna ay soo cusbooneysiistaan.
Waxaa lagu xusay dikreetada in ciddii u hoggaansami weyda amarka wasaaradda wixii ka dambeeya tobanka bisha dambe loo gudbin doono wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
Dikreetada ayaa lagu sheegay inay jiraan xarumo u hoggaansamay amar xilli sii horreysay ay wasaaraddu soo saartay oo isdiiwaan-geliyey balse weli ay jiraan kuwa dhimman.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
