Ankara 01.Dec 2015 (SDN/QJ):- Tan iyo Markii Khilaafka Siyaasadeed Soo kala dhex galay Turkiga Iyo Ruushka Todobaadkii la soo dhaafay Kaas oo ka dhashay Kadib markii Ciidamada Turkigu ay dhulka soo dhigeen Diyaarad Kuwa dagaalka ah oo uu lahaa Ruushka kuna dhintay Mid ka mid ah Duuliyeyaashii Diyaaradaasi Waxa ay Dawlada Ruushku qaaday Fal celin Togan oo ku Wajahan Talaabada Turkigu ku soo riday Diyaaradooda, Waxay Sidoo kale Cunaqabatayno ku soo rogeen Xukuumadda Ankara,Halka dhanka kalena ay Mamnuuceen in Muwaadiniinta Ruushku ay u Socdaalaan Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Luqad adag kula hadlay Dawlada Moscow oo uu sheegay inay Dab ku Ciyaarayaan Waxa uu ku dooday inay Xaq u lahaayeen in Ciidamadiisu dhulka soo dhigaan Diyaaradan oo ku soo Xadgudubtay dalkiisa.
