|

Wargeyska The Indian Ocean Oo Warbixin Cajiiba Ka Qoray Damaca Murashaxnimo Ee Faysal Cali Waraabe iyo Siro Uu Sheegay In Uu Faysal U Gudbin Rabay Dowladda Finland

Faysal Cali Waraabe waxa uu qiima kasta ku bixinayaa sidii uu Musharax Madaxwayne uga noqon lahaa Doorashada Madaxtinnimo ee Somaliland 2017 ka dhacaysa, sidaas waxa qoray Wargeyska The Indian Ocean 

Hargeysa,25Ddec,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaas oo laba jeer ku guul-darraystay doorashooyin hore uu ugu tartamay Jagada Madaxwaynenimo  ee Somaliland ayaa waxa uu markale qorshaynayaa in uu Musharax ka noqdo xisbiga Ucid.

Taas oo uu qorshaynayo in uu meesha ka saaro musharaxa aadka uga da’da yar ee Jamaal Cali Xuseen, Siyaasigan  duqa ah ee ka soo jeeda Beelaha Isaaq/ Ciidagale, haystana Passport ka Waddanka Findland, waxa uu horye dhawr jeer isugu dayay in  uu  siro qarsoodiya u gudbiyo mid kamida wasiirada Waddanka Finland kaas oo aanu Wargeysku magac dhabin, wasiirka iyo nooca sir ee uu Faysal Gudbinayayba. waxaase uu xusay in uu Faysal arintan isku dayay  26 Oktober  wakhti uu socday Khilaafka Xisbiga Ucid dhexdiisa .

Waxa uu Wargeysku intaas kudaray in uu Faysal Cali Waraabe ku xisaabtamay in ay dalka  ka dhacayso doorasho jilicsan taas oo uu u Arkay in uu Guul ka gaadhi  karo.

Bilawgii bishan December kadib markii uu kasoo laabtay Waddanka Angola oo uu kaga qayb galay shir ay lahaayeen Midawga Axsaabta Socialism ka ah, ka hor Intii aanu Hargeysa soo gaadhin Faysal waxa uu ku hakaday Waddanka Ethiopia halkaas oo kula Kulmay Masuuliyiin ka socday xukuumada Soomaaliya kana tirsan Ururka Damul-Jadiid ee hoostaga Ururka Ikhwaanu Muslimiinta, waxana ay masuuliyiintaasi u ballan qaadeen Faysal in ay taageero dhaqaale oo balaadhan siinayaan haddii uu ku guulaysto In uu Xisbiga dhaafiyo Musharax Jamaal Cali Xuseen Waasida uu Wargaysku Qoraye.

Waxaana  Qoraalka Wargeyska oo Af-English ah U dhignaa Sidan:-

{,In early December, on his return from Angola and before going to Hargeisa, he stopped in Addis Ababa to meet representatives of the Mogadishu central government who are members of Damul Jadiid, an Islamic group close to the Muslim Brotherhood. The latter promised him their support if he manages to eliminate Jamal Ali Hussein from the competition.}

Haddii ballan qaadkani meel maro, waxa ay tallaabo horumara u tahay Faysal Cali Waraabe, Sababta oo ah  waxa ay kooxaha Soomaaliya xukumaa ay hadda awoodi karaan in ay hannaanka sharci ee Somaliland khal-khal galiyaan, waa sida  warbixinta  Wargeyska  ku jirtee.

Wargeysku waxa kale oo uu xusay masuuliyiin uu sheegay in ay arrinta Faysal Cali Waraabe kawada socdaan, sidoo kalena ay xidhiidh dhow leeyiin, waxaana uu kasoo qaatay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xassan, oo uu sheegay in uu ka cadhooday doorashadii Muuse Biixi loogu doortay Musharaxa KULMIYE, waxaana uu Intaas ku daray in uu Xirsi ballan qaaday kharashka Doorashada lagu galayo.

Sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ayuu Wargeysku qoray in uu qorshahan kula socday Wasiir Xirsi iyo Faysal Cali Waraabe, Maxamed  Biixi Yonis  oo muddo naawilaayay in uu noqdo Musharax Madaxwayne isaga oo niyad jab ka qaaday doorahshada Muuse Biixi.

Ugu danbayntii, Masuuliyiinta kale uu Wargaysku xusay in ay qorshahan kula socdaan Faysal Cali Waraabe waxa kamida; Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud  oo uu sheegay in  uu aad ugu dhowyay kooxo diimeedka Ikhwaanu Muslimiin, Waxaana Qoraalka Wargeyska mid ahaa sidan:

{ The former minister for public works Abdirizak Khalif Ahmed had to leave the Kulmiye party and so rallied to Feysal Ali Warabe due to the fact that they are both close to the Muslim Brotherhood }.

Si kastaba ha ahaatee, Xogtan ayaa daba socotay warbixin xidhiidh ah oo Wargeyska The Indian Ocean ka qorayay shir qool siyaasadeed oo Gudaha iyo Dibedda Somaliland ka socda waxaana uu qormadiisii hore ku sheegay ;

Dhagaro ay maleegayaan, maal qabeenka ina Aw Siciid iyo Haweenayda uu qabo Madaxwaynaha waddanka Jabuuti Khadra Xayd, kuwaas oo dagaal culus ugu Jira sidii ay usoo saari lahaayeen Guddoomiye Muuse Biixi, sidoo kalana laysugu jabin lahaa xisbiyada UCID iyo WADDANI, si meesha looga saaro laba Musharax oo kasoo wada jeeda beelaha Habar Awal, waa sida uu Wargeysku qoraye.

Wargeyska The Indain Ocean, ayaa Warbixintiisa ku saleeya ilo-wareedyo uu ka helo Diplumaasiyiin iyo xogo sirdoonka mandaqada bariga Afrika ah.

Halkan Guji Oo Akhriso Warbixinta Oo Af Ingiriisi Ah

SomalilandLive

Qurbejoog; Hargeysa

Comments are closed