|

Dood Kulul Oo Ku Saabsan Xiisadda Ka Taagan Dalka Djibouti Oo Dhex Martay Mucaaridka iyo Xukuumadda {DHAGEYSO}

Djibouti ,25Dec,2015(QJ/SDN)-Dalka Djibouti waxaa toddobaadkan ka taagnaa xiisado kala duwan, kadib markii laamaha ammaanka ee dalka Djibouti ay hawlgallo ka fuliyeen goob loo asteeyay in lagu qabto Xus ay lahaayeen mid ka mida beelaha ku dhaqan dalka Djibouti.

Mucaaradka dalka Djibouti ayaa ku eedeeyey Xukuumadda inay laayeen dad shacab ah, ayna Xukuumaddu dhaawacyo kala duwan u geysatay qaar ka mida hoggaanka Mucaaradka.

Hase ahaatee, arrintaas waxaa beenisay Xukuumadda oo Mucaaradka ku eedaysay inay u shaqaynayaan kooxo dibadeed oo doonaya inay dalka xasillooni darro ka abuuraan.

Haddaba, Idaacadda Codka Maraykanka Ee VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa Dood u qabatay Xisbiyada Mucaaridka, Ururada Bulshada  iyo Xukuumadda Dalka Jabuuti, waxaana ka qayb-galaya dooddan Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Dhaqanka ee Djibouti Dr. Aadan Xasan Aadan, La-taliyaha Arrimaha Sharciga isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Dalladda Xisbiyada Mucaaradka Djibouti ee USN Garyaqaan Jaamac Amarreh Meydal iyo Maxamed Maxamuud Xasan oo ka mida ururada bulshada rayidka ah ee Djibouti. Waxaa barnaamijka daadihinaya Wariye Ismaaciil Xuseen Farjar oo VOA ka tirsan.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Doodda Oo SoundCloud Ah:

Comments are closed