|

Wariyaha qora faallada warka Muuse Biixi lagu taageero oo cadaalad darro ka cabanaya

Hargeysa. 23 October, 2022. (QJ)- Wariyaha Cabdilaahi Wayab oo ka mid ah saxafiyiinta mudada badan kusoo jiray warbaahinta Soomaalida ee dawladihii kala danbeeyay ayaa ka cabanaya xukuumadda Muuse Biixi iyo nidaamka cadaalada ee Somaliland.

Wayab ayaa ka mid ah tiro saxafiyiin ah oo qora faaladda warka ee telefishanka qaranka Somaliland, taas oo lagu af lagaadeeyo mucaaradka iyo cid kasta oo dhaliisha Muuse Biixi, waxaana ay ku qaataan alacag u dhaxaysa $1000 illaa $2000 bishiiba.

SIDEE AYAY WAX U JIRAAN:

Wiil uu dhalay Cabdilaahi Wayab ayaa lagu xidhay magaalada Hargeysa kadib markii uu Sirdoonka Leexsan ee wiilka Muuse Biixi dhalay uu u sheegay in uu iskaga baxay, arintaas oo ay ka diideen sila markaana xabsiga u taxaabeen.

Wiilka Wayab ayaa muddo u shaqynayay Sirdoonka Muuse Biixi inankiisa iyadoo ay ka cabsadeen in uu wax ka sheego marka uu ka tago ama fashiliyo sirahooda.

Saldhiga lagu xidhay ayaa la sheegay in askarta joogtaa ay yihiin Reer Samatar ama jufada madaxweynaha sila amrkaana lagu jidh dilo cidda lagu xidho, wuxuuna ku yaalaa waqooyiga magaalada Hargeysa, waana arinta uu ka cabanayo suxufi Wayab oo faalooyin ku taageeri jiray dulmiga Muuse Biixi.

Comments are closed