Washington:Mar,14,2015(SDN/QJ)-Warbaahinta Caalamka, ayaa si weyn u hadal haysa Shaqo ka caydhin Dhawaan lagula kacay Wariye Rodner Figueroa oo aad looga yaqaan dalka Maraykanka, kana Hawlgeli jirey Univion Tv, gaar ahaan Barnaamijka Talk Show.
Wariyahan, ayaa Barnaamijkiisa la sheegay inuu Aflegaaddo ugu geystay Xaaska Madaxweynaha Maraykanka Michiel Obama, waxana tallaabadaas qaaday Hoggaanka Tv-ga oo Wariyaha Shaqadii ka caydhiyey.
Wariye Rodner Figueroa oo si toos ah u tebinayay Barnaamijkiisa ayaa waxaa kasoo qeyb galey nin ku takhasusay isqurxinta (Make-up artist) kaasoo marba si u marsanaya Waxyaabaha isqurxinta, si uu u metelo dadka caanka ah sida Michiel Obama, xaaska Brack Obama.
Balse Ninkan markii uu soo gaadhey kaalinta uu isagu dhigi lahaa Michelle Obama ayaa wariye Rodner Figueroa waxa uu ku yidhi ”iska fiiri, waad ogtahay in Michiel Obama ay u egtahay qof ka yimid Dunida Daanyeerada”
Hadalada qallafsan ee uu wariye Rodner Figueroa adeegsadey ayaan dareen xoog leh ka dhex abuuray Mareykanka, ayadoo TV-ga Univision uu iska fogeeyay, kuna tilmaamey erayo aan ka tarjumeyn aragtida iyo qiimaha TV-gaas balse u qaas ah shaqsiga ay afkiisa kasoo baxeen, ugu danbeyn wariyaha ayaa laga eryay Telefishinka oo uu muddo 17 sano ah ka howl gelayay.
Illaa iyo iminka wariye Rodner Figueroa wax raalli gelin ah kama bixin weerarkiisa afka ah ee uu ku duray Xaaska Madaxweyne Obama.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
