Kulanki ay yeesheen Baralmanka EU ayaa waxaa laga soo saaray Warmurteed looga hadlayo taageerada Yurub ee Soomaaliya.
Qodoboada War murtiyadedkana waxaa ka mid ah.
1-Midawga Europe waxaa uu soo dhaweeyay ka gudbidii marxalada KMG iyo fursada taariikhiga ah ee ay u heshay Soomaaliya inay ka tilaabto 20 sano oo dagal socday hambaliyo baarlamanka oo dalka gudihiisa ku doortay M/weynaha.
2- Waxaa aan qaban doonaa shir lacago loogu aruurinaayo Soomaaliya waxaana aan amaaneynaa shirkii dhinacyada Soomaalida loogu qabtay Bishii Febraury 2012kii London.
3- Waxaan aan taageersanahay in M/weyne Xasan Shekh Maxamuud uu mudnaanta Koowaad siiyay amaanka oo muhiimad gaar ah leh inagoo sii wadeyna tabarada iyo dib u dhiska Ciidamada dowladda si ay Shabaab ula dagaalamaan.
4 -Waa arrin wanaagsan in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taas oo ay go’aamiyeen R/wasaaraha Soomaaliya iyo danjire Augustina Mahiiga lana kordhiyo dhaqaalaha lagu bixinaayo AMISOM.
5- Midowga Europe waxaa uu soo dhaweynayaa hormarinta dimuqraadiyada iyo dowlad wanaaga.
6- Midowga Europe waxaa uu sii wadayaa gurmad siinta dadka Soomaalida oo sanadkii tagay ay ku bixiyeen 60 Million oo lacagta Yurub ah.
7- Waxaan door muuqda ka qaadanay la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo aan sameynay ciidamo badan oo u gaar ah Burcad badeeda.
8- Waxaan aad uga walaacsanahay awooda sii xoogeysaneysa ee argagaxisada Soomaaliya oo weerarada shacabka ku dhibateeyaan.
9- Midawga Yurub waxaa uu aqoonsanayaa in amaanka Soomaaliya uu yahay mid qiimo weyn u leh bulshada Soomaaliyeed iyo wadamada dariska ah gacana uu ka geysan doono sugida amaanka iyadoo lala kaashanayo wadamada ku jira urur goboleedka IGAD.
