|

Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Soomaaliya iyo SomalilandJabuuti uga socday

-Jabuuti December 29, 2023 (QJ) – War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen maanta ayaa lagu soo koobay wada-hadalladii shalay iyo maanta dalka Jabuuti ku dhex maray madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ayaa waxaa ka mid ah in la bilaabo wada hadal muddo 30 maalmood gudahood ah, isla markaana labada dhinac ay ku kulmaan meel ay ku heshiiyeen.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay fuliyaan heshiisyadii ay labada dhinac horay ula galeen dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Jabuuti..

War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa sidoo kale xoogga saaraya sida ay uga go’an tahay in iskaashi buuxa laga yeesho arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dembiyada caalamiga ah, iyo in laga wada shaqeeyo gobollada ay colaaduhu saameeyeen si loo helo nabad waarta.

Geesta kale, War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen maanta ayaa lagu soo koobay wada-hadalladii shalay iyo maanta dalka Jabuuti ku dhex maray madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ayaa waxaa ka mid ah in la bilaabo wada hadal muddo 30 maalmood gudahood ah, isla markaana labada dhinac ay ku kulmaan meel ay ku heshiiyeen.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay fuliyaan heshiisyadii ay labada dhinac horay ula galeen dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Jabuuti..

War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa sidoo kale xoogga saaraya sida ay uga go’an tahay in iskaashi buuxa laga yeesho arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dembiyada caalamiga ah, iyo in laga wada shaqeeyo gobollada ay colaaduhu saameeyeen si loo helo nabad waarta.

Geesta kalena, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo kulanka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ee ka dhacaya dalka Jabuuti.

“Waan diidnay, waana cambaareyneynaa wada-hadallada Jabuuti, waa wax aan la aqbali karin in laga wada hadlo arrimaha Soomaaliya oo aysan Puntland joogin,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ku shaacinayay inuu mar kale u taagan yahay xilka madaxweynaha Puntland, taasoo ka dhacday magaalada Garoowe.

Wadahadallada u dhaxeeya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii labaad galay maanta ayaa waxaa gar wadeen ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Beesha Caalamku waxay rajaynaysaa in natiijooyin wax ku ool ah laga soo saaro si kor loogu qaado midnimada Soomaaliya iyo horumarinta xidhiidhka nabadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Comments are closed