|

Ciyaarahii Gobolada oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho December 29, 2023 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa galabta si rasmi ah u furay tartanka kubadda cagta ee heer dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir ee ka socda garoonka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay horumarinta midnimada, nabadda, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ee dhanka ciyaaraha. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sugo amniga iyo xasiloonida caasimadda Muqdisho, sida uu muujiyay bilowgii tartankan.

RW Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee sugidda amniga dhalinyarada, maadaama tartankani uu muujinayo dadaalka ay dowladdu ugu jirto adkeynta amniga caasimadda, horumarinta nabadda, iyo muujinta sida ay dowladda uga go’an tahay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Daah furka tartanka maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan golaha wasiirada, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, wakiilo ka socday ciyaaraha heer federaal iyo heer gobol.

Comments are closed