|

Wasaarada Ganacsiga Oo Sheegtay In La Wareejin Doono Haamaha Shidaalka Ee Berbara

Hargeysa,25Aug,2015(J/SDN)-Gudida ilaalinta  hantida iyo dabagalka Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Gancasiga Somaliland ayaa sheegay in wasiiarka wasaarada Ganacsigu u cadeeyay in la wareejinaayo haamaha shidaalka Ee Barbara, Sidaasina Waxa Sheegay Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Mida Gudidaasi Waxana Yidhi “Maanta waxa aanu la kulanay Gudida ilaalinta  hantida iyo dabagalka qaranka anagoo isku dhan Wasiirka Wasaarada  ganacsiga Somaliland waxaana uu noga waramay waxyaabo badan oo wasaradiisa Quseeya.

waxyaabaha ugu horeeya ee aan ka wada hadalay waxa ugu horeeya kala xadaynta Ganacsiga taas oo ay noo shegeen in ay ku dhex jiraan sidii ay u kala ogaan lahyeen dadka leh Liisanada (hoolselka).

Waxa kale oo aan aad uga hadalay oo imika aad loo hadal hayo Arinta Haamaha Shidaalka Ee Magaalada Barbara, Haamaha shidaalka baryahan sidaan ogsoonahay waxa la hadal hayaa in lugu wareejiyo shirkado, waxaana Wasiirka Ganacsigu Noo Cadeeyay In arinkaasi Dhab Yahay waxaan kale oo ay noo cadeeyeen in ay iyaga ka wasaarad ahaan ay maamulaan uun lakiin marka noqto qarashaad iyo lacag aanay shaqo ku lahyin .

Markaa nurtii waanu isku daynay in aanu ogaano Goorta la Wareejinaayo  lakiin wasiirku waa uu ka gaabsaday waxaana uu noo sheegay in ay iyagu yihiin ka wasaarad ahaan kuwa khusayso sexeexa u dambeeya ee wareejinta Haamaha shidaalka Magalaada Barbara.

intaa marka laga imaado waxaan ogaanay in wasaarada ganacsigu tahay mid la rifay oo laga ilaalinaayo howlaheedii ay u madax banaannlayid oo kaliya lugu soo koobay liisan ganacsi sidii ay u bixin lahyid .

 

 

Comments are closed