|

Mareeyaha Haamaha Shidaalka Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay In La wareejiyay Haamihii,Siyaasiyiintana Faray In Ay Hubsadaan.

haamahaBerbera,25Aug,2015(QJ/SDN)-Mareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Sheikh Saleebaan Siciid ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in lawareejiyay haamihii Shidaalka Berbera kuwaas oo ku Sheegay Qaar aanay waxba ka jirin.

Sheekh Saleebaan waxa uu cadeeyay inaan lala Soo xidhiidhin loona sheegin waxa cadayn ahna aanu hayn oo lagu farayo in Shirkado gaar ah lagu wareejiyay Haamaha,isaga oo Xildhibaanada arintaasi ka hadlay faray in looga Baahan yahay in ay Cadaynteeda keenaan.

Mareeyaha oo HadhwanaagNews u waramay isaga oo ku sugan Magaalada Berbera ayaa eedaasi dhan iska fogeeyay,cadeeyayna in ay waxa waliba sidii loogu talo galay madaxwaynaha somaliland ku amray ay uwada socdaan

waxaana uu yidhi.“waxba Kama jiraan oo waxba lama wareejin haamahuna waa Sidoodii wali,anagana wax nasoo gaadhay wali mahayno,lakiin dadkani iyaga ayuunbaa sheegaya oo wareejintani suuqa ayay iska jirtaa,waxa hada aanu wareejinaynaa mahayno ilaa hada waxaasina waa warkii suuqa aniguna wali hadalkaas mahayo.

intaas waxa uu ku daray mareeyaha haamaha shidaalka Berbera waxaana uu yidhi.”haamaha Aniga ayaa ka Masuul ah Anigana wax isoo gadhay mahayo ilaa hada oo wareejin ah,Shirkadahu waxa ay ka mid yihiin ganacsatada aanu u shaqayno,waxaan arintaas ka ogay majirto,sabab loogu wareejiyaana hada Meesha taalo oo anigu garan maayo.

Geesta kale waxa uu sheegay in Ay hayaan Masuuliyadii Haamaha Balse waraaqo lakala Saxeexday iyo Hawl Lagu war Galiyay  Aanay Jirin in Laga kiraynayo Shirkado Haamihii waxaana uu yidhi.

“waxaanu Saxeexnay,wax isoo gaadhay iyo Dogmanti ah oon hayaa majirto,waxaanu wali u shaqaynaynaa habkii madaxwaynaha somaliland nagu ogaa,wax is badal ah oo haamaha lagu sameeyay majirto,ana Sidii uunbaa mareeye uga ahay oon u joogaa,shaqadina sideedii ayay u socotaa,shirkadahuna shaqadoodii ayay haystaan.

Xildhibaanada sheegay in Shirkadaha lagu wareejiyay waxa uu cadeeyay in looga baahan yahay in Ay cadaynta keenaan Halka lagu wareejiyay in Masuuliyiinta Saxeexay inkasta oo Ay Xildhibaanadu ku Doodayaan In wasiirka Ganacsigu u sheegay waxaana uu yidhi.

“Marka amarka Dawladu usoo gaadhi,marka Dogmanti Cadan aan helo ayaan ku wareejin Doonaa inta ka horaysa warkaasi mahayo,iimana muuqato wakhti lawareejiyo,wasiirkuna hadii uu heshiis wado oo way wada hadlayaan wali imay Soo gadhin.

Hadalkan ka soo yeedhay mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera ayaa imanaya wakhti lasheegayo in Haamaha lagu wareejiyay shirkado gaar ah,waxaana uu arinkaasi ku macneeyay mid aanay waxba ka jirin.

                                                                                                                                                                        

Comments are closed