|

“Xukuumadda Kulmiye Waxay Ku Tallo Jirtaa Inay Ku Wareeejiso Haamaha Shidaalka 3 Shirkaddood Oo Ay Leeyihiin Dadka Madaxtooyadda Ka Taliyaa”. Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa,25Aug,2015(QJ/SDN)-Musharaxa Kagadda Madax-tinimo ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay Wararka sheegaya inay Xukuumaddu Iibinayso Haamaha Shidaalka ee Magaaladda Berbera.Waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in laga iibiyo Lix Shirkadood oo qaar ka mid ah ay Wataan Saraakiisha Madaxtooyaddu.

MD. Jamaal oo qoraal kooban ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,ayaa waxa uu yidhi : “Xukuumadda Kulmiye waxay ku tallo jirtaa inay iibiso Oo wareejiso Haamihii magaaladda Berbera. Waxay damacsan tahay inay ku wareejiso 6 shirkadood OO 3 Ka mid ay leeyahiin dadka madaxtooyada ka talliya laftigoodu sida ay wararku xaqiiji ayaan. Shirkadaha aanay iyagu lahayn waxay ka qaadanyaan US$ 2 million midkiiba. Tani waxay ka mid tahay boobkii Ugu waalnaa xukuumad wakhtigeediii SII dhamaanayo. Kolay dhawaan waxaan soo bandhigi doonaa daraasad ka hadlaysa Haamaha Iyo sida Loogu takrifalay Iyo boobka lala damacsan yahay Iyo sidii TOTAL looga qaaday. Kuwa hantidda Ummadda iibinaya Ee Siilaanyo Ugu horeeyo waxa ka SII waalli Badan kuwa iibsanaya. Waa inoo Iyo Soo bandhigidda daraasadka Haamaha”.

Comments are closed