|

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka 2018 oo la Dhimayo Kharashka Dawladda & Meelaha Mudnaanta La Siinayo DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda maaliyada JSL Md Yuusuf Maxamed Cabdi oo ay wehelinayeen Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddu ayaa faahfaahin ka bixiyey meelaha ay xoogga saarayaan odooska miisaaniyada Qaranka ee sanadka 2018.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa waxa uu sheegay in hoos loo dhigi doono kharshiyaadki dawlada ee saamaynta weyn ku lahaan jiray miisaaniyada isla markaana halkeedii la gelin doono in kor loo qaado dhanka horumarka.

 

Md Yuusuf waxa uu si gaar ah u xusay in diiradda la saarayo dhinacyada wax soo saarka Beeraha, xoolaha, macdanta iyo tamarta, ictiraaf raadinta, adeegyada arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, jidadka iyo hagaajinta biyaha la cabbo ee saafiga ah.

 

Dhanka kale wasiirka maaliyadu waxa uu shir jaraa’idkiisa ku sheegay inay dhaammaystireen qorshaha wasaaradda maaliyaddu ku hawlgeliayso iyo xeerka anshaxa shaqaalaha wasaaradda.

Comments are closed