|

Wasiir Caddaaniga Warfaafinta Oo Sheegay In Masiirka Dalka Aan Lagu Aamini Karin Guddoomiyaha Waddani oo Sida uu Hadalka u Dhigay u Hadli waayay Qarankiisa!!

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani),  ayaa sheegay in aan masiirka dalka lagu aamini karin Murrashaxa xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan  Cirro).

Wasiirku waxa uu  ku eedeeyay guddoomye Cirro in aanu maalin qudha u jawaabin dawladda Soomaaliya ee farogalinta ku haysa qarannimada Somaliland, waxaannu  hoosta ka xarriqay in  loo baahan yahay in laysku miisaamo murrashaxiinta xisbiyada ka taratamaya ka u qalma in uu Somaliland hoggaamiya.

Wasiirka Warfaaafintu, waxa uu yidhi “Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynaha mustaqbalka Somaliland, dhaartii ayuun baa u hadhay, waana in aynu isu miisaano raga tartamaya iyo xisbiyada tartamaya, Muuse Biixi waa Mujaahid naftiisa u soo huray dalkan, waana nin dalka u soo samray halgan, ilaa maalintii la tabantaabinayay  ee dalka aynu soo galnay waa nin og tuulo kasta, degmo kasta iyo gabal kasta waxa ay ku sugan tahay iyo waxa ay gudaan,  waxaana la doonayaa in aynu xisaabtanno oo ninka qaranka xilkii ugu waynaa aynu u  dooranaynaa oo umadan  mustaqbalkeedii  iyo  aayatiinkeedii  iyo ictiraafkeeda aynu ku aaminaynaa.”

Cismaan Saxaradiid waxa kale oo uu intaas raaciyay “Waa in aynu miisaanaa ninka aynu xilka qaranka u dhiibayno,  ma ninka Soomaaliya aan u jawaabayn ayaynu ku aaminaynaa, mise ninkii xabada isu dhigay ee naftiisa u huray ayaan ku aaminaynaa, Cabdraxmaan Cirro saddex iyo toban sanno ayuu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada su’aasha taalaana waxa weeye saddex iyo tobannkaa sano muxuu qabtay Cabdiraxmaan Cirro.”

Comments are closed