Uncategorized

Wasiirka arrimaha guddaha oo la kulamay tiradii u badneyd madax dhaqameedka Somaliland

Hargeysa Jan 18,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka wasaarada arrimaha Guddaha ee Somaliland Md Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa maanta kulan balaadhan kula qaatay qolka shirarka ee wasaaradiisa madax dhaqameed aad u faro badan oo isaga kala yimi dhamaan degaanada ay Somaliland ka kooban tahay.

Md Duur ayaa madax dhaqameedkan kala hadalay guud ahaan xaalada dalka khaasatan marxaladan u danbeeysay ee Bariga Somaliland ka soo cusboonaatay.

Md Duur oo kulankan uu la qaatay madaxdhaqmaeed tiradoodu ay aheyd 340 ruux uga hadlay sida loogu baahan yahay in xiligan la isbar bar taago qaranimada Somaliland ayaa sheegay in hadana ay jirto fursado wada hadal oo cid waliba ay ku soo gudbin karto wixii tabasho ah ee jira.

Madxdhaqameedka shirka ka soo xaadiray ayaa iyaguna goobta ka sheegay in loo bahan yahay in nabada muhiimada ugu sareyso la siiyo iyada oo la kaashanayo wadahadal iyo dhego nuglaan.

Madaxdhaqameedku waxa ay hadal ku ayideen gogoshii uu madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyay belaha bariga Somaliland oo ay sheegeen in ay tahay habka ugu haboon ee xal waara lagu gaadhi karo

Madaxdhaqameedka ayaa ku baaqay in la difaaco jiritaanka Somaliland iyada oo loomarayo in la adkeeyo wadajirka iyo maaxbanaaninda dalka.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com