Uncategorized

Wasiirka Ciyaaraha oo Deeq Kubado ah ka Gudoomay Fanaanka Farxaan Muuse Cige “Xidig”

Hargaysa 28.October 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta deeq Kubado ah kala Wareegay Fanaanka Farxaan Muuse Cige “Farxaan Xidig”.

Deeqdan oo ka Koobnayd 400 oo Kubadood ayaa wareejinteedii waxaa ka hadlay Fanaanka Farxaan Muuse Cige ayaa sheegay inuu Kubadahan ugu talo galay caruurta Somaliland ee aan  iyagu awoodin inay Helaan Kubado ay ku Ciyaaraan,si ay uga Jeestaan tahriibta iyo balwadaha mustaqbalkooda dhaawici kara.

“alxamdulilaah rabilcaalamiin ilahay ayaa mahadaa iska leh na nabadkeenay, madama oo aan imid dalkaygi hooyo anoo nabada, waan ku faraxsanahay in Wasiirka wasaarada Sportigu Aad iyo Aad ii So Dhaweeyo, Markii Aan Anigu Muqdisho, Is dhex galka Bulshada iyo Wacyi galin Iyo Darbajiifta Ayaan Barnaamijyo U sameeyay, Somaliland Waxaan U imid inaan kubadahan Gudoon siiyo Wasiirka Oo caruurta tahriibta Ku Fikiraysa Ama Mukhaadaraadka Ku  fikiraysa aan wacyi galin Uga Dhigo, Oo Ay kubadaa Ku ciyaaraan, u jeedada Aan u Soconana Waa Taas, Anigu Fanaan Ayaan Ahay music na xad ma laha, markaas bahda warfaafinta waxaan ka codsanayaa anuu dulaan ma ahai, dadkana Duulaan Kuma Ahi Waa Dadlkaygi Hooyo, Kaygii Djbouti, Kiladhka Shanaad , Kii soomaliya, Dhamaan Mesha Ay Somali Dagto, Somali ayaan ahay anuu Ummada Somaliyeedna Meel kasto Ay joogto Fanaan Ayaan u ahay Anuu,Sabata Aanu kubadaha Ugu Wareejinayno wasiirka iyo Somaliland waxaa weeyaan in darbajiiftaas iyo Tahriibka dhibta haysa aanu u sameyno barnamijka wacyi galinta” Ayuu yidhi fanaanku

Sidoo kale waxa uu fanaankani beeniyay warar lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegaya inuu ka mid yahay Xubnaha Baarlamanka dawlada Somalia ee aynu deriska nahay.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal ayaa isaguna uga mahadceliyay fanaanka deeqdan uu soo gaadhsiiyay taas oo uu Wasiirku ku tilmaamay talaabo ku dayasho mudan maadaama uu keligii Jeebkiisa ka bixiyay, Taas oo wax badan ka tari doonta sida uu Xusay baahiyaha Ciyaaraha ee dalka.

“Aad iyo Aad Ayaan u soo dhaweynaynaa Farxaan Xidig, Farxaan waa nin Somalilander ah, waa kaa isba cadeeyay inuu yahay nin Somalilander ah,markii dhawayd ee uu yimid, warar badan ayaa nala soo gaadh siiyay oo la leeyahay Farxaan waa xildhibaan ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya, meel walba telefoono ayaanu u dirnay, markaa waxaa naloo cadeeyay inaanu xildhibaan ahayn,waxaa jiray nin geeriyooday oo xildhibaan ahaa oo reerkoodana ahaa, ninkaasna waxaa la yidhi waxa lagu bedalay nin reerkooda ah oo la yidhaahdo Cilmi, ninkana waa nin fanaan ah waana uu nala soo hadlay waxaana uu noo sheegay in uu dibada uga soo wado, dhalinyarada Somaliland deeq kubaddo ah oo uu keeni doono,”ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.

Xafladaas waxaa Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” Agaasimaha Dalada Sonyo Siciid Maxamed.

121 122

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com