Uncategorized

Wasiirka Duulista Hawada oo Sheegay inay Qodobo Isku afgaran Waayeen Gudidii Somalia ee Arrimaha Hawada Ka Daawo Qurbejoog

Hargaysa 06.April 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wefti uu hogaaminayay oo dalka Turkiga Wada hadalo lagu sii ambo qaadayo Heshiiskii Maamulka Hawada Somaliland iyo Somali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,kana hadlay arrimihii lagu heshiiyay .

DuulistaWasiirku Waxa uu Xusay in Wada hadaladii Turkigu dhexdhexaadinayay ee Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia la isku afgartay laba Qodob  .

Mudane Maxamud Xaashi Cabdi Waxa uu ku dooday inay Jiraan qodobo ay isku afgaran waayeen Weftigii ka socday Somalia isla markaana dib loo balamay Wakhtiga soo Socda.

Wasiirku Waxa uu Cadeeyay in Mawqifka ay qaateen uu ku qotomo in aanay laba meelood kala noqon Xafiiska Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia iyo fadhiisinka Gudida laba geesoodka ah .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com