|

Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Oo Furay Mashruuc Ku Kacaya Lacag Dhan {$3,300,000} Oo Lagu Horumarinayo Ganacsiga Iyo Wax Soo Saarka Somaliland DAAWO

Hargaysa 26.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga Ah Ee Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) ayaa Furay Mashruuc ay ku Kacayso Lacag Dhan Saddex Milyan ($ 3,300,000) iyo Saddex Boqol Oo Kun. Mashruucan oo lagu magacaabo Somali Business catalytic Fund Business matching Grants Program ayaa waxaa Maal-galinaya Baanka Aduunka Oo soo marinaya Hay’adda DAI Oo Kashaqaysa hay’adda Horumarka iyo Arimaha Bulshadda ee SBCF.
wasiir-xuseen-deyrWasaarada Ganacsiga oo kulan Kani qaban-qaabisay ayaa waxa lacagtan loogu tallo galay in bulshada loogu sameeyo ganacsi, taas oo ay Awooda Saarayso Xaga Beeraha, Xoolaha iyo Wax Soo saarka, waxaana uu wasiirku sheegay in Mashruucani uu u fuli Doono Sidii loogu tallo galay,isla markaasna Ganacsiga iyo Adeegyada lagu qaban Doono ay si dhaw ula socon doonaan.

Kulan oo ay Goob joog ka ahayeen Wasiirada Wasaarada Qorshaynta,Beeraha,ganacsiga,Duulista iyo hawada Iyo qaar ka mid ah dadkii loogu tallo galay in ay mashruucan ka faa’idaystaan.

Ugu Horayn kulankan ayaa waxa ka hadlay wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland waxaana uu tilmaamay in mashruucan Somaliland u yahay mid wax badan ka tari doona xaga dhaqaalaha isla markaas kor u qaadi doona Adeegyada in lagu fuliyo loogu tallo galay.
“marka shaqooyin la abuurayo waxa dawlada looga baahan yahay in ay Samayso Siyaasad lagu hago Hawshan si loo horumariyo ganacsiga,waxa loo baahan yahay dadka maal-qabeenka ahi in ay dalkooda maal gashadaan oo ay aaminaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Cali Shoonbe oo sheegay in Mashruuca lagu Horumarinayo Ganacsatada ee ay keneen Somaliland in ay si dhaw ugala shaqeyeen World Bank, waxaana uu cadeeyay in ay Taasi ku tusayso si ay wasaaradaha ganacsiga iyo qorshayntu doonayaa in ay bulshada u hor mariyaan. “waxaanu annaga oo ka hortagayna inuu dhaco Musuq-maasuq aanu samayno Wasaarada badan oo ay Guddoomiye u Noqon Doonto Wasaarada Qorshayntu Xubnana Ka Noqon Doontaa Wasaarada Ganacsigu hadii ay cabasho timaado si ay Ugu Garsooraan,waxaana Soo Jeedin lahaa inaad la timadaan Qorshayaal Laydiinku Samayn Karo Ganacsi Balse Lacagta Bilaashka Ah Qaata uun Hays Odhanina.” Ayuu yidhi wasiirku
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Ayaa sheegay in dal walba dadkiisu ay gadhiisayaan Horumar Balse Sanadkii Hore Lacagtii ay bixiyeen World Bank in ay Khasaartay Isla markaas dadku aanay waxba ku qabsan wixii loogu tallo galayna ay Baal Mareen,waxaana uu wasiirku U Jeediyay Dardaaran Ku Aadan in ay Lacagta wixii loogu tallo galay ay ku qabtaan. “Lacagtan aanu Maanta Bixinaynaa Maaha mid loogu tallo galay inuu qofku iska qaato oo reerkiisa ku Masruufo ee waxa loogu tallo galay in shaqooyin loogu abuuro oo dadka dhalinyarta ah loo sameeyo shaqooyin,markaas shaqooyin hadii sidii loogu tallo galay aad uga Faa’idaysataan waxa waajib ah in laydin garab qaban Doono.” Ayuu yidhi Wasiir Cumar Sheekh oo Soo Jeediyay in ay dadku Noqdaan Qaar Kooxa ah isla markaasina ay Wadda Yesheen Ganacsi waxna isku darsadaan si ay Heer u gadhaan,taas oo uu ku masaalay inaanu Qofna Kaligii Waxba Qabsan Karin.”

Waxa isna goobta ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Beeraha Somaliland oo Mashruucani xaga Beeraha saamayn Badan ku leeyahay ayaa bulshada kuu adkeeyay in ay Noqdaan qaar wax soo saarka aad u daneeya ayaa waxa uu tilmaamay in Bulshada Somaliland xaga wax soo saarka aanay xog badan ka hayn,waxaana uu mashruucan world Banka oo Wax badan u qabanaya Xaga Beeraha.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) ayaa furay Mashruucan oo Ay Maal Galinayo World Bank isla markaas loogu tallo galay in Bulshada loogu abuuro Ganacsi,waxaana uu wasiirku Tilmaamay In World Banka ay Uga Masuul Tahay Mashruucan haay’adda DAI.

‘Somaliland dhaqaalahu waa laf-dhabarta uu dalkanu ku faano,markaas waxa laga maarmaan ah si aynu dayarteena ama Dhalinyaradena u samayno shaqo uguna Abuuro rajo,Markaas World Bank waxa uu Somali oo dhan ugu deeqay tobban milyan,markaas inaga Somaliland ahaan waxa aynu ka helnay Deeqdaas Saddex Milyan iyo Saddex Boqol Oo Kun,waxaana lacagtan loogu tallo galay in lagu kobciyo laguna Dhiiri galiyo ganacsiga.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray isaga oo lacagta Somaliland World Banku ugu deeqay kasii hadlaya yidhi.” Ganacsigaasi waa inuu Noqdaa Mid Saamayn toos ah ku leh dhaqaala iyo Horumarka waddanka Somaliland,hadii aanu ganacsigaasi ka qayb qaadanayn kobaca dhaqaalaha ee dalka waxaan filayaa ganacsigaasi inaanu noqon Doonin mid mashruucan ka qayb qaata.

Mashruucan uu bixinayo Baanka aduunku Fulinaysana Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland ayaa waxa uu saamayn Toos ah ku yeelan Doonaa oo mashruucan ka faa’ido doona wasaaradaha Beerah,Xoolaha,wax soosaarka,xaga kaluumaysiga,Digaaga iyo farsamada.

“Shuruudaha Qofka maal-gashigan ka qayb qaadanayo looga baahan yahay ayaa ah inuu soo buuxiyo Foom Ah ganacsiga uu bilaabayo nooca uu yahay,taas oo lagu maal-galin doona lacagta u kala dhaxaysay,Toban kun,labaatan kun,Afartan kun,sideetan kun ilaa Laba boqol oo kun oo Dollar,waxaana loo baahan yahay in mashruucan sida uu yahay looga faa’idaysto iyada oo la dabaqayo ganacsiga qofka loo abuurayaa mayahay mid soo jiray mise waa mid hadda bilaabmaya.

Xuseen Dayr ayaa geesta kale sheegay in mashruucan hadii looga faa’idaysto inuu sida uu yahay loo dabaqo oo wixii loogu tallo galay lacagtu ay ku baxdo in mashruucyo ka ka waayayn oo bulshu ka faa’ido world banku ay keeni doonaan,wixii loo baahan yahay in la kobciyana uu leeyahay qaab loo kobciyo

Gaba-gabadii mashruucan oo wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) Uu Furay ayaa waxa uu kula dardaarmay dadka adeegan nasiibka u helay in ay Sidii loogu tallo galay ay wax ugu qabtaan,isaga oo cadeeyay inuu si dhawna ula socon doono qofkasta sida lagu siiyay lacagtan maal-galinta ah iyo heshiiska uu buuxiyay.

Comments are closed