Uncategorized

Wasiirka Maaaliyada oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Gudida Fulinta iyo Qaban Qaabada ee Shirweynaha Kulmiye

Hargaysa 28.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Guddida Qabanqaabinaysa Shirweynaha Kulmiye ee Qabsoomi doona Bisha 12-aad ee sanadkan.

Qado Sharaftan Waxaa ka Qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Xubno wasiiro ah iyo Guddida qabanqaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbul Xaakimka Kulmiye oo la Filayo inuu qabsoomo dabayaaqada Bisha December ee Sannadkan.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa ,Ka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa uu uga Mahadceliyay Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo isagu soo diyaariyay Hadhimo sharafeedka lagu casuumay Mas’uuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Kulmiye,Gudida Fulinta, iyo Gudida Qaban qaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye

Madaxwaynaha Somaliland ayaa isna Shalay iskugu yeedhay Xubnaha Qabanqaabinaya Shirka Xisbiga Kulmiye ee lagu wado inuu qabsoomo 25-ka bisha 12-aad ee sanadkan oo lagu dooran doono cida u taagnaan doonta Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye kuwaas oo Xubnaha Ugu Cad Cad uu ka Mid yahay Wasiir Cabdicasiis Samaale.

Casuun1 Casuun2 Casuun3 Casuun4

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com