|

Degmadda Caddaadley oo Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Qaadhaan Loogu Uruurinaayey Dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School SAWIRO

Hargeysa 14.February 2016 (SDN/QJ):-Xaflad balaadhan oo ahayd mid lagu bilaabayey dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Cadaadley.

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay  ay soo qabanqaabiyeeen ururka horumarinta Deegaanka Cadaadlay iyo Sabawanaag ee Khayre 21 ayaa waxa kasoo qeyb galay Wasiiradda Daakhiliga, Madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka, Cadaaladda, Duulista Hawada, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka, Agaasimeyaal Guud, Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Madaxda Ciidanka Qaranka, Maamulka Gobolka Maroodi-jeex, Maamulka iyo hal-doorka Degmada Cadaadley, Salaadiin, Madax-dhaqameed, Aqoonyahanno iyo Marti Sharaf tiro badan.

Guddoomiyaha Degmada Cadaadlay Md. Cumar Nuur Xuseen oo ugu horeyn Munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay guud ahaan Xaalada Dhaqan-dhaqaale ee Deegaanka, Horumarka iyo Caqabadaha ku gedaaman Degmada, waxana uu si qoto-dheer uga hadlay Sooyaalka Dugsiga Cadaadley Boarding School iyo muhiimada uu dib-u-dhiskiisu u leeyahay guud ahaan Qaranka Somaliland. Guddoomiye Cumar Nuur waxa uu ku baaqay Xukuumad iyo Shacab-ba si wadajir ah la iskaga kaashado dhamaystirka Dugsiga Sare ee Magaalada Cadaadley.

Suldaan Maxamuud X.Cabdillaahi oo ku hadlayey magaca Deegaanka ayaa soo dhawayn ka dib waxa uu sheegay in Dugsiga Cadaadlay uu yahay mid fac-weyn oo ay kasoo aflaxeen Madaxda iyo Aqoonyahanka dalka qaarkood, sidaa darted-na loo baahan yahay in Xukuumadda iyo Dadweynuhu si wadajir ah uga wada qayb qaataan dhaqaalaha dib-u-dhiskiisa. Suldaan Maxamuud waxa uu sheegay in bulshada Deegaanku diyaar u yihiin inay qaybtooda ka bixiyaan kharashka dib loogu dhisayo Iskuulka, isagoo Xukuumaddana ugu baaqay ugu inay si masuuliyadi ku jirto u fuliyaan balan-qaadkooda ku aadan Dugsiga Cadaadlay.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isaguna Munaasibadaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Madaxweynaha Somaliland oo uu xusay inuu lahaa amarka Wasiiraddu ku tageen Magaalada Cadaadley, si ay uga qayb qaataan munaasibada qaadhaan-ururinta dib-u-dhiska Iskuulka Sare.

Saxafiga Ruug-cadaaga ah ee Yoonis Cali Nuur oo isna ka mid ahaa ardaydii wax ka baratay Dugsiga Cadaadley Boarding School oo isna madasha ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay taariikhdii dugsigan isagoo isla markaasina madasha kaga dhawaaqay 1000$ oo uu ugu deeqay Dugsiga Cadaadley Boarding School

Waxa isna madasha ka hadalo kooban kazoo jeediyey Gudoomiye Kuxigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cumar Yuusuf Buux oo isagu ahaa ardaygii ugu horeeyey ee la qoro Dugsiga Cadaadley Boarding School isagoo isla markaasina ka hadlay taariikhdii dugsigan iyo waayihii ay kazoo mareen waqtigii ay ardayda ahaayeen isagoo isla markaasina madasha kaga dhawaaqay inuu dib u dhiska Dugsiga Cadaadley Boarding School uu ku darsanaayo 300 oo kiish oo sibidh ah

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo kamid ahaa ardaydii lagu bilaabay Dugsiga Cadaadley Boarding School oo madasha hadalo qiiro leh kasoo jeediyey ayaa waxa uu madasha kaga dhawaaqay inuu ka taliye ahaan balanqaaday oo uu damaanad qaatay Dayrka Dugsiga oo ku baxaaya kharash dhan 50,000$ konton kun oo dolar iyo sidoo kale 200 kiish oo sibidh ah oo uu ugu deeqay dib u dhiska kale ee Dugsigan oo uu sheegay inuu baal dahaba kaga jiro taariikhdiisa iyo dhismihii hoose ee noloshiisha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade oo isaguna Munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay Waxbarashadu u leedahay horumarka Qaranka iyo sida loogu baahan yahay in mudnaanta koowaad la siiyo qabyo-tirka adeegyada Waxbarashada ee bulshada, waxana uu madasha ka dhiibay labaatan kun  $20,000  oo uu kaga qayb-qaadanayo dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Degmada Cadaadley.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay Taariikhda Dugsigani ugu fadhiyo Somaliland “Waxaa hubaal ah in dugsigan degmada Caddaadley uu soo saaray dad badan oo labeen ah oo wax dhintay iyo wax joogaaba ka mid yihiin. Waa nasiib darro runtii inaynu maanta dhismihiisii dhooba qaadaynno, haddana waa nasiib wanaag dad intaas leeg oo aqoon yahan ah inay wax ka barteen.

Isma lihi waxay dhibaatadu ku kooban tahay dugsiga degmada Caddaadley kaliya, qaran yar oo itaal yar baynu soo yabyabanay 25-kii sanno ee u dambeeyayay, dhul badan oo la mid ah oo la taariikha Iskuulkan ayaa qabyo ah, qaar kale oo la mid ahina hore ayay u hanno qaadeen. Rooma maalin laguma dhisin oo maalinba meel baa la dhisaa, waxaanan is leeyahay way mudnayd in wakhti hore la dhiso oo Iskuulkani wuxuu kulmiyaa deggaan balaadhan, waxaanan jecelahay inaan halkan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadatay maal, fikrad iyo maskaxba, Illaahayna ha idinka abaal mariyo. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Khayre 21, dadkaa dhalinyarada ah ee qurbejoogga ah ee isku xilqaamay horumarka ayaan halkan ka hambalyaynayaa,” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dadka qaar lacagahooda ku dumiyaan deggaannadooda “  Caqliga iyo xooggu waxna way dhisaan waxna way dumiyaan.

 

Dad la mid ah Khayre 21 ayaa lacagtooda oo ay ururiyeen ku dumiya deggaannadooda oo dadkooda iyo carruurtooda ku laaya oo degaankoodu ka hadhay dadka, waxay taasi ka mid tahay nasiibbada la is dheer yahay, waanan idinku hambalyayaa.

Waxay ahayd masuuliyaddani masuuliyad dawladeed laakiin, kartidiina ayaa keentay inaad idinku wax qabsataan. Markaynu leenahay xukumadda Siilaanyo waa xukumaddii waxqabadka macnaheedu maaha dhammaan jeebka xukumadda ayaa wax laga soo saaraa, waxaa wax lagu qabtaa cashuurta la idinka qaado, waxaa wax lagu qabtaa waxa Illaahay inaga siiyo dadka iyo dawladdaha aynu saaxiibka nahay, waxaana saddexeeya waxa jeebabkiina ku jira oo aanu xukumad ahaan dhiiri galinno inaad wax ku qabsataan oo madaxweynuhu himiladaas ayuu keenay, in la tartamo oo deggaannadu wax la yimaadaan,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu sheegay in siyaasadda Xukumaddu tahay in deggaanka ama dadka is xilqaama ee waxqabsanaya xukumadduna ugu darto wixii karaankeeda ah ee Horumar ah. Waxa uu sheegay in dhismaha dugsiga qaybtooda ka qaadan doonaan, islamarkaana dadka degaanka iyo dawladdu iska kaashanayaan dhismaha dugsiga Caddaadley. Waxa uu si gaar ah dadka deggaanka iyo cid kasta oo wax ka baratay dugsiga Caddaadley ugu baaqay inay wixii karaankooda ah ka soo qaataan, kuna tabarucaan dhismaha dugsiga.

 

Geesta kale wasiirku wuxuu u mahadceliyay taliyaha ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle oo dayrka dugsiga ballanqaaday inuu dhisayo. Waxa uu wasiirku sheegay in dhismaha dayrka oo lacag konton kun ku qiyaasan ku bixi lahayd uu balanqaaday taliyuhu, islamarkaana uu ku kalsoon yahay inuu dhisi doono maadaama uu dugsiga wax ku bartay taliyuhu “ Waxa soo hadhay laba boqol iyo konton kun, intaana waynu qaybsanaynaa.

Maynaan qabsaneen hadday tahay sanad dabayaaqadii oo kharashka dawladda ayaanu ku dari lahayn dugsiga Caddaadley oo qayb weyn buu kaga qornaan lahaa miisaaniyadda qaranka laakiin, miisaaniyaddii waa la qaybiyay, waxa qaranku maamulana waa la qaybiyaa oo qorshe ayuu leeyahay, waxa soo hadhaana waa wax Madaxweynuhu jeebka ugu hayo duruufaha adag ee dalka ku yimaadda, sida abaaro, arrimo lama filaan ah ama arrimo nabadgalyo ayaa lagu maareeyaa.

Raggayaganna waxa xalaasha ah eenu qaadanaa waa mushahar, markaa waynu qaybsanaynaa. Waxay ila tahay Khayre 21, tijaarta iyo ganacsatada deggaanka 25 kun baa ku qaybaysa, ilaa Suldaanka marka lagu darana waa boqol iyo shan iyo labaatan kun. Inta kale waxna annaga ayaa wasiiro ahaan isku qorayna, inna kharash wasaaradda waxbarashadu qaadato ayaanu ka jari, toban kunna dawladda hoose ee Hargeysa ayaanu saaraynaa, konton kunna waxaa bixinaya madaxweynaha, markaa sidaasi ayaynu u maamulaynaa,” ayuu yidhi wasiirku.

IMG_0001 IMG_0002 IMG_0003 IMG_0004 IMG_8780 IMG_8783 IMG_8785 IMG_8788 IMG_8789 IMG_8790 IMG_8791 IMG_8792 IMG_8796 IMG_8804 IMG_8807 IMG_8811 IMG_8816 IMG_8818 IMG_8820 IMG_8825 IMG_8827 IMG_8829 IMG_8830 IMG_8831 IMG_8832 IMG_8834 IMG_8839 IMG_8846 IMG_8853 IMG_8854 IMG_8861 IMG_8869 IMG_8876 IMG_8878 IMG_8888 IMG_8889 IMG_8892 IMG_8895 IMG_8913 IMG_8917 IMG_8919 IMG_8926 IMG_8929 IMG_8933 IMG_8934 IMG_8937 IMG_8940 IMG_8944 IMG_8949 IMG_8970 IMG_8973 IMG_8988 IMG_8989 IMG_8990 IMG_9009 IMG_9010 IMG_9011 IMG_9014 IMG_9030 IMG_9032 IMG_9036 IMG_9045 IMG_9051 IMG_9057 IMG_9064 IMG_9065 IMG_9072 IMG_9087 IMG_9092 IMG_9093

Comments are closed