Hargaysa 06.May (SDN) Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ay weheliyaan Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta sh.khaliil C/lahi Axmed iyo Gudoomiyaha hay’adda Maamul wanaag, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta ka qayb galay Xaflad loo qabtay Sanad-guuradii Kowaad ee ka soo wareegtay Aasaaskii qaybta Safaynta Kelyaha ee Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.
Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadashay dedaalka wasaarad ahaan ay u galeen sidii loo hir-gelin lahaa qaybtan safaynta kelyaha oo ay xustay inay baahi weyn u qabeen bulshadu, waxa kale oo ay xusatay in wasaarad caafimaad ahaan ay ka go’aan tahay sidii loo kordhin lahaa loona tayeyn lahaa hawl-wadeenada ka hawl gala Cisbitaalka Guud ee Caasimada oo ah Muraayada laga Dheehdo Horumarka dhinaca Caafimaadka.
Wasiir ku xigeenku waxa ay intaa ku dartay inay lagama maar-maan tahay sidii loo balaadhin lahaa qaybtan safaynta kelyaha si baahida bulshada ay u daboolaan.
Marwo Nimco Xuseen Qawdhan Waxa kale oo ay bulshada u soo jeedisay sidii ay ugu dedaali lahaayeen Nadaafadda , dadkuna ay iska xilsaaraan inay xashiishka meelaha ku haboon ay dhigaan.
Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Dr,Axmed X.Cumar Askar, oo halkaasi ka hadlay ayaa war-bixin guud ka bixiyey qaybaha Cisbitaalka iyo Adeegyada ay ku soo Kordhiyeen sida qaybta Il-kaha oo aan hore u jirin iyo qaybta gargaarka deg dega ah oo uu sheegay in wax-badan laga qabtay,Waxa kale oo agaasimuhu sheegay in qaybtan kelyaha ay haatan muddo sanad ah shaqaynaysay bukaano badana oo kelya safayn u baahnaana loogu adeegay. Waxaanuu xusay in mishiino cusub lagu soo kor-dhiyey,Kuwaas oo haatan Gaadhay Todoba mishiin,taasi oo sahlaysa ayuu yidhi Agaasimuhu in markiiba todoba qof loo safeeyo kelyaha. Waxaanuu u mahad naqay guddiga caafimaadka oo si weyn uga howl galay sidii qaybtan loo suura gelin lahaa. Madaxa qaybta kelyaha Dr,Axmed Weli Dahir ayaaisna ka waramay dadka loogu adeegay qaybtan,isaga oo sheegay in bukaanku uga yimaado dalalka deriska oo Soo doonta Mishiinka Sifaynta Kelyaha.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta sh.Khaliil C/llahi Axmed, iyo Gudoomiyaha hay’adda maamul wanaag Axmed Muxumed Madar,waxanay kawarameen faa’iidada Guud ahaan caafimaadku u leeyahay dadka, waxaanay xuseen in qaybtan oo ahayd mid baahi weyn loo qabay aad ugu faraxsan yihiin inay ka hir-gasho isbitaalka Guud. Taasi oo ku timid ayey yidhaahdeen dedaalka iyo isku tashigeena dal ahaaneed.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
