|

“Wax Kasta Oo Inoo Taagan Xundhurtoodu Waxa Weeyi Dildilaacii Ka Dhashay Doorashada In Laga Heshiiyo Oo Ay Ka Shaqeeyaan Saddexda Guddoomiye Xisbi Oo Ay…”-Faysal C Waraabe

Hargaysa 05. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga warramay ahmiyadda iyo natiijadii ka soo baxday kulankii ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyadu wada yeesheen.

Faysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka hadlaya kulankaasi sidii uu u dhacay iyo waxyaalihii ay madaxweynaha ka wada hadleen, ayaa waxa uu yidhi “Waanu kulanay Madaxweynaha oo waxaanu ka wada hadalnay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda dalka ee hadda ee doorashadii kadib iyo sidii loo kabi lahaa qaybsanaantii ka dhalatay, iyo sidii loo bilaabi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo dhameystiri lahaa arrinta khaatumo, sidii loo taageeri lahaa ciidammada dalka, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinkii Baarlamaanka iyo dawladaha hoose”. Waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ku ballanay in aanu mar dambe isku nimaadno, sida ugu dhakhsaha badana la sameeyo guddiyo ka soo taliya arrinta saami qaybsiga iyo sifaha dadka loo dooranayo dawladaha hoose iyo Baarlamaanka, intaaba waanu isla afgaranay oo si fiican ayuu noo dhegaystay Madaxweynuhu, haddii ALLE yidhaa waanu isku noqon doonaa oo war wada jir ah ayaanu ka soo saari doonaa”.

Faysal waxa kale oo uu sheegay “Wax kasta oo inoo taagan xundhurtoodu waxa weeyi dildilaacii ka dhashay doorashada in laga heshiiyo oo ay ka shaqeeyaan saddexda guddoomiye xisbi oo ay taageerayaashoodii ku qanciyaan sidii loogu gudbi lahaa horumarka, caddaaladda, la dagaalanka musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo difaaca dalka”.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda iyo Qabyaalada, “Wada hadalada axsaabtu dawo ayey u tahay oo kala maqnaanshaha ayaa sameeya shakiga, markaa waa in murankii doorashada aynu iska dhameyno, Qabiil haddii uu wax tirsanayo inuu siyaasad galo maaha, laakiin Suldaan leh aniga ayaa dadka mideynaya oo ku dhawaaqaya wixii aanu ku ololaynay ma siyaasi baa, mise waa Suldaan, muwaadin kasta oo cabanaya waa inuu soo maraa hay’adaha loo sameeyay, sidaa awgeed Suldaanka hawl uu leeyahay iima muuqato”.

Intaasi kadib, Faysal oo la weydiiyey inay Madaxweynaha u sheegeen in aanay Xukuumadiisu dhameystirnayn ayaa waxa uu ku jawaabay, “Xukuumadda beelaha way ka koobantahay ee way u kala badsantahay waxaanay u badantahay beesha dhexe oo doorkan waxa jirtay Khaatumo, baylahda barrigii Sanaag, waxaanay aheyd in la awoodeeyo dadka dhulkaasi, oo doorkan sanduuqa horumarinta loo badiyo barriga, wixii kale waa hunguri weyni.

Comments are closed