|

“Waxaan Ka Qaylin Doonaa Khayriyadaha, Waayo? Toddoba Sannadood Baan Aamusnaa….” Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland

Hargaysa 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige oo doraad Xilka Wasaaraddaa la wareegay, ayaa muujiyey inuu ka qayb-geli doono ololaha Doorashada ee Xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu Waxqabad ku amaanay, waxaanu ballan-qaaday in 7 Sannadood oo uu Aamusnaa ka dib, ka hadli doono fagaarayaasha Dalka.

 

Wasiirka Boosaha Iyo IsgaadhsiintaWasiir Maxamuud oo Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale badhasaab ka ahaa Gobolka AWDAL, ayaa hadal kaftan u badnaa oo uu ka jeediyay Munaasibaddii uu xilka kula wareegay, wuxuu ku yidhi, “Maanta (doraad) hadalka badin maayo oo koley Khayriyadaha ayaan ka qaylin doonaa, Waayo? 7 sanadood baan aamusnaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Toddobadaa sannadood ee aan aamusnaa waxa Afkii ku soo kordhay Kalmado cusub, sida “Biyo kama dhibcaan” iyo “Haddaan Arrintaa is-dul-taago iyo FAJI” ayaa ka mid ah kalmadaha Af Soomaaliga ku soo kordhay intaan aamusnaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey, “Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Golihiisa Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi horumarbaa lagu socdaa, ee waa inaynu horumarkaa ka qayb-galnaa oo aynu hore u kacnaa.”

Comments are closed