|

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh oo ka Dayriyay Xaalada siyaasadeed ee Somaliya DAAWO

Buuhoodle 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa niyad jab ka muujiyay xaalada nabad galyo daro ee ay abuuri karaan doorashooyinka Somaliya ka dhacaya sanadkan.
Proffesor Cali Khaliif waxaa uu sheegay in doorashada Somaliya ee baarlamaanka iyo madaxweynuhu ay sababi karto xaalad siyaasadeed oo kacsan, dagaallana ka dhici karaan Muqdisho iyo Banaadir islamarkaana uu ka niyad jabsan yahay nidaamka dawlada Somaliya lagu Maamulo.
“Shirarkii u dambeeyay ee lagu qabtay Kismaayo iyo Baydhabo ee madasha wadatashiga marka la eego ma muuqato doorasho la qabanayo oo dhacaysa sida qorshuhu yahay”ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh waxaanu intaasi ku ladhey“ Doorashadani werwerka iigu wayn waa in qalalaase ka abuurmo Muqdisho iyo Banaadir ayaan ka baqayaa, waa la marin habaabiyay oo nabad galyadii ayaa faraha kasii baxday, bilihii ugu dambeeyay Muqdisho waxaa lagu dilay xildhibaano iyo wasiiro oo kuwii tuhunka dilalkaasi la galiyay waxay noqdeen kuwo siyaasad shuqul ku leh”
Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif, waxaa uu isbarbar dhigay siyaasada somaliya ee maanta iyo Nidaamyadii hore ee soo maamulay Somaliya.
“Maanta Somaliya maalin ay ka liidato ma jirto dawladihii soo maray, dadkii u heelanaa way niyad jabeen”ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh oo u waramayay Wariye Nuuradiin.

Dabayaaqada sanadkan ayaa la filayaa inay Somaliya ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha iyo baarlamaanka Somaliya, iyadoo doorashada ilaa imika la isku mari laayahay qaabka iyo saami qaybsiga maamul goboleedyada dalka Somaliya oo qaar ka mid ahi diideen shirarkii madasha wadatashiga ee lagu qorsheynayay doorashada Somaliya.

Comments are closed