|

“Waxaasi waa Dacaayad ee UCID Lacagtuba kama Dhammaato…” Wasiir Caddami oo Mucaaradka ku Bogaadiyey Sadaqo-siinta Dan-yarta DAAWO

Ceerigaabo 30. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaanndhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Wefti uu hoggaaminayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ku ammaanay inay maalmohoodii ololaha doorashada Madaxtooyada ay u lahaayeen joojiyeen durbaankii iyo isu-soobaxa, isla markaana ku beddeleen inay Sadaqo siiyaan Dadka Masaakiinta ah ee Reer Somaliland, arrintaas oo uu gaar ugu ammaanay Xisbiga UCID oo bilaabay.

Waxa uu Sheegay Wasiir Cadami in arrintaas Xisbiga UCID bilaabay la iskaga dayday, maaddaama oo ay tahay tallaabo wanaagsan oo uu bilaabay Xisbigaas. Wasiir Cadami waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in Dacaayad laga dhigo tallaabooyinka wanaagsan ee Xisbi qaado ee ay tahay in lagu bogaadiyo, isla markaana hadallada Dadka qaar dacaayadda UCID uga dhigayaan ee ay tilmaamayaan in Lacagtii Ololuhu ka dhammaatay ama ka yaraatayna aanay waxba ka jirin ee ay tahay dacaayad, UCID-na yahay Xisbi aanay lacagi ka dhammaan oo ku fiican arrimaha Diinta iyo Waddaniyadda-ba.

Axmed Xaaji Cali Cadami Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo ka tirsan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka Kulmiye, sida ay Warbaahinta qaar faafisay waxa uu sidaa sheegay mar uu Ceerigaabo Maanta kula hadlayey Weriyeyaasha, waxaanannu hadalka Wasiir Cadami ee qodobbadaas la xidhiidha idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed