Uncategorized

“waxanu caadaysanay wax kordhis la yidhaahdo, Haatana ma filayo inay 26-june ay doorasho dhacayso.”Eng. Faysal Cali Waraabe.

Nairobi:Oct,22,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo haatan kamid ah Madaxda Axsaabta somaliland ee Magaalada Nairobi shirarka kula leh deeq-bixiyayaasha, ayaa  Ka Hadlay arrimo badan oo uu kamid yahay shirkan uu ka qaybgelayo iyo dhibaatooyinka ka taagan arrimaha Doorashada  oo hadalkoodu soo noqnoqanayo.

???????????????????????????????Guddoomiye Faysal Cali oo u warramayey idaacadda VOA-da, ayaa  wax lagu farxo ku tilmaamay inay axsaabta somaliland si wada jir ah shir ula yeeshaan Deeq Bixiyayaasha, isagoo dhibaato joogto ah ku tilmaamay ka Hadalka arrimaha doorashoyinka oo somaliland uu tilmaamay in sanadka ugu dambeeya xil-dawladeed kasta laga hadalo,

“shirkani wuu ka duwan yahay shirarkii hore oo waa markii ugu horraysay ee  madaxda saddexda xisbi isa soo raaceen, nasiib darrada na haysaana waa sanadka ugu dambeeya doorashada ayaanu baraarugnaa, inta badana  dawladaheenu cago jiid bay ku keenaan arrinta.”ayuu Yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay inay  qaadeen tallaabooyin  lagu hirgelin karo doorashooyinka dalka kusoo fool leh, kuwaas oo ay kamid yihiin Komishanka doorashoyinka iyo waliba xeerarkii lagu hagi lahaa doorashada,

“dadka deeqda  bixiyaa 75% ayey bixiyaan, haddana way noo soo ururtay oo komishanku kamid yahya oo xeerka dorashooyinku ka mid yihiin, ayaan ku gudo jirna oo sabtida wixii ka dambeeya baarlamaanku ansaxin doonaa. Ansaxinta xeerkuna ilaa novermber ayaa la gunaanadi doonaa.” Ayuu sheegay guddoomiye Faysal.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey Su’aal laga Weydiiyey Hannaanka loo qaybsado xubnaha kooban ee Komishanka oo uu tirada ugu badan leeyahay Madaxweynuhu, ayaa tilmaamay inaan cidda awoodda magacaabista lihi saamayn badan yeelan Karin,balse loo baahan in muhiimadda la siiyo dadka lasoo magacaabayo, “madaxweynihii  hore ee somaliland  ee Marxuum Cigaal ayaa isagu sidan u qabiyey oo saddex qaatay, guurtidana laba siiyey, halka uu mucaaridkana laba siiyey, laakiin micno ma leh qofka yaa soo magacaabaye waxa  muhiim ah qofka shakhsiyadiisa.” Ayuu yidhi Guddomiyaha Xisbiga Ucid.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu si cad u sheegay inaanay isaga aragtidiisa u muuqanin in Doorashooyinka Madaxtinimo iyo Kuwa Baarlamaanku aanay qabsoomi doonin maalinta loo asteeyey oo ah dhamaadka Bisha Lixaad ee Sanadka soo socda, waxana uu ka digay in muddo kordhin dambe la sameeyo,

“markaan runta sheego waxanu caadaysanay wax kordhis la yidhaahdo oo aan meelna sharci ku ahayn, distoorkuna gole kasta wakhti ayuu u sameeyey, aduunkana ma dhacdo dad iska yuurura oo aan lasoo dooranini. Haatana ma filayo inay 26-june ay doorasho dhacayso.”ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com