|

Waxkabedelkii dastuurka oo la ansixiyay

Muqdisho March 30, 2024 (QJ) -Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goordhaw kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka bedelka qodobo kamid ah Dastuurka KMG ee dalka.

Kulanka xildhibaanada labada Aqal ee lagu ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka ayaa waxaa soo xaadiray 254 xildhibaan oo isugu jira xildhibaanada labada Aqal ee golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shirka guddoominayay ayaa xildhibaanada ka codsaday in qaab gacan taag ah ku ansixiyaan ama ku diidaan wax ka bedelka afar cutub oo katirsanaa Dastuurka KMG.

Waxaana wax ka bedelka Dastuurka si aqlabiyad leh u ansixiyay dhammaan xildhibaanada labada Aqal oo gaaraya 254 xildhibaan, mana jirin wax xildhibaan ama senator ah oo diiday ama ka aamusay ansixinta wax ka bedelka afarta cutub ee katirsan dastuurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Haseyeeshee, Wax ka bedelka dastuurta ayaa waxaa ka soo horjeestay Madaxweynayaal iyo Ra’isul Wasaarayaal hore, oo ay ka mid yihiin, Maxamed Cabdullahi Faramaajo, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Cali Kheyre. Waxaa ka kaloo ka soo horjeestay siyaasiyiin, xildhibaano iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war qoraal ah oo ay shalay soo saartay Baarlamanka Soomaaliya ku boorisay in aanay u codeyn – sida ay hadalka u dhigtay dastuur wiiqaya xuquuqda Caruurta.

Comments are closed