|

Al Shabaab oo lix Kenyan ah ku dilay Somaaliya

Dhoobleey March 30, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay saddex muwaadin oo Kenyan ah. Waxaana la sheegay in ay dhaq dhaqaaq ganacsi ka wadeen gudaha magaalada Dhoobley.

Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen muwaadiniinta Kenyaan ah oo dhammaantood la sheegay inay rag ahaayeen, isla markaana isla goobtii lagu dilay ku sugnaa.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Libooye ee Waqooyi Bari Kenya, Cali Manduku, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in meydadka muwaadiniintii Kenyanka ahaa ee lagu dilay Dhoobley la keenay Libooyo.

Cali Manduku waxa uu sheegay in lixda qof ee lagu dilay Dhoobley ay ka soo jeedaan Gobolka Meru ee dalka Kenya, isla markaana ay ku jireen howlo ganacsi. Waxa uu sidoo kale xusay in ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka muwaadiniintan Kenyanka ah, sidoo kalena la aqoonsaday shaqsiyaadka ganacsi ku lahaa deegaanka Libooye ka hor inta aysan tagin Dhoobley.

Dowladda Kenya ayaa horay u xirtay xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, bacdamaa ay Al-shabaab tiroba ay dhawr jeer beegsatay shacabka Kenyaanka ah ee aan Muslimka ahayn ee ka howlgala gobolkaas.

Comments are closed