Uncategorized

“Weli qorshihii wuu socdaa in dib looga furo Xafiiskii UNSOM ee Hargeysa,Waxaase ka Warwarsanahay Burburka ku Yimid Wada hadalkii Somaliland Vs Somalia” Ban Ki Moon

New York 17.May 2015 (SDN/QJ):- Xoghayaha Qaramadda Midoobay Ban ki-Moon, ayaa sheegay inay socoto qorshihii Xafiis UNSOM leedahay looga furi lahaa Hargeysa, isla markaana qoraal dhinacyada ugu muhiimsan ee ay kala shaqeyn doonaan Somaliland u gudbiyeen.
Mr. ki-Moon oo Warbixinta afartii bilood ee sannadkan ka dhacay Somaliland iyo Soomaaliya u gudbiyey Golaha Ammaanka, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay burburkii ku yimi wada-xaajoodka u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana uu soo jeedinayo dhinacyadu inay dib u bilaabaan, shuruud la’aan wadahadallada dhawrka sano u socday ee bishii March ee sannadkan hakadka galay.

Ban Ki-moonXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay mar uu ka hadlayey qorshaha dib loogu furayo Xafiiskii UNSOM ee Somaliland, waxa uu yidhi; “Weli qorshihii wuu socdaa in dib looga furo Xafiiskii UNSOM ee Hargeysa. Waa loo gudbiyey qorshe-hawleedkii ugu muhiimsanaa dhinacayada ay kala shaqeynayaan.”

Sidoo kale Xoghayaha Qaramadda Midoobay, ayaa sheegay inuu soo jeedinayo dib u bilawga wada-xaajoodyadii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaa ka werwersan nahay burburkii ku yimi wada-xaajoodkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, una soo jeedinayaa in laga gudbo is-marin-waaga oo dib loo bilaabo wada-xaajoodka. Wakiilkayga gaarka ah ayaa kala socon doona Somaliland iyo Soomaaliya, tallaabada labaad ee looga gudbayo.”