Geneva Feb 24 2013 (SDN)– Warbixin ay soo saartay Hay’ada WFP,ayaa waxay ku sheegtay in Soomaaliya laga dareemayo baahi dhanka quudinta cuntada ah,xilli WFP dooneyso inay wax ka qabato xaaladaha baahida Bini-adanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Inkastoo hay’ada hoosta ka xariiqday inay baahsaneyn baahida dhanka quudinta ah,ayaa hadana waxay sheegtay inay yaraatay tirada dadka ay soo wajahayaan xaaladaha deg dega,madaama Hay’ada goobo badan howlo quudin ah ka wado.
Sidoo kale Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan cunada aduunka ee WFP,ayaa warbixintaan ay soo saartay ku sheegtay in iskuulo wax lagu barto islamarkaana caruurta lagu quudiyo ay ka furtay deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada sida weyn abaaraha ay u saameeyeen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Hay’ada ayaa sheegtay in kaalmada ay siineyso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ay ka caawiyeen wadamada,Mareykanka, , Britain., Japan, Russia, Norway, Saudi Arabia.
