|

Wiil la dhashay Orodyahanka Caanka ah Mo Faarax oo Dalka Ingiriiska laga Masaafurinayo

London 29.August 2016 (SDN/QJ):-Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa qoray in wiil la dhashay orodyahanka Mo Faarax laga soo musaafurinayo dalka Ingiriiska lana keenayo dalka Somaaliya.

Mo-Farahs-brother-AhmedAxmed Faarax oo 27 sanno jir ah ayaa soo maray xabsi uu soo qaatay mudoo 4 sanno ka badan ayaa sheegay in hay’addaha socdaalka u sheegeen in laga musaafurinayo dalka Ingiriiska oo la geeyay asagoo yar.
Axmed waxaa uu sheegay in walwalka ugu badan ee uu hadda qabo tahay noloshiisa oo halis gasha haddii ay dhacdo in dalka dib loogu soo cesho waxaana uu sheegay in kala duwanaashaha dhanka dhaqanka ay halis galin karto noloshiisa.

Mo FaaraxWiilkaan la dhashay orodyahanka dhawaan ku guulaystay orodada 10 kun iyo 5 kun ee mitr cayaarihii olympikada ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weeerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada London.
“Kuma noqon karo meeshii aan ku dhashay ee Soomaaliya waayo wa meel halis ah waxaana ka baqanayaa in la igu dilo” ayuu yidhi Axmed Faarax oo la hadlay wargeyska Sunday Mirror la yidhaahdo.
Wargeyska kale ee Telegraph ayaa asna qoray in waaxda arrimaha gudaha Ingiriiska afhayeen u hadlay uu sheegay inay willi gaarin go’aan ah in Axmed dalka laga musaafuriyo.

Comments are closed